(Xog Culus) Wasiirka Arrimaha Diibada DJabuuti Muxu K aYidhi Saldhigga Berbera Ee Imaaradka Carataba?

Date:

Wasiirka arrimaha dibada Djabuuti Maxamed Cali Yuusuf ayaa ka hadlay aragtida Djabuuti ee saldhiga Milateri ee Imaaraadka Carabta laga siiyey magaalada Berbera ee Jamhuuriyada Somaliland.
Wasiir Maxamed oo u waramay warbaahinta dalka Itoobiya waxa ala waydiiyey aragtida dawladiisa DJabuuti ee saldhiga Imaaraadka Carabta ee Berbera ee Somaliland ah iyo magaalada Casab ee Ereteriya,waxaana uu wasiirku sheegay inay ogolaanshaha saldhigyadaasi u taalo Somaliland iyo Ereteriya,balse ay hadana DJabuuti dareen feejignaan ah ku eegayso ,waxyaalaha lagu qaban doono saldhigyadaasi.
wasiirka oo mararka qaarkooda dafiraya dalka Somaliland Berbera ku tilmaamay inay Somaliya tahay wuxuu sheegay in ay saldhigyadaas soo dhawaynayaan hadii loo isticmaalayo arrimo u dan ah dalalka gobolka,waxaanu wasiir Maxamed Cali Yuusuf yidhi.
“Waxaad sheegtay saldhiga Imaaraadka Carabta ee Somaliland iyo Ereteriya.Wadamadan Somaliya (Somaliland) iyo Ereteriya waxay qaadan karaan go’aan ay qaran ahaan u madax banaan yihiin inay aqbalaan ama diidaan sidii ay Djabuuti yeeshay markii ay wadamo waydiisteen inaanu saldhigyo siin karno,laakiin waxaanu aad uga feejignaanahay waxa weeye qorshaha joogitaanka ciidamadaas qalabka sida,hadii qorshuhu yahay in lala dagaalmo Budhcad badeeda iyo Argagixisada oo xuduudahayaga badeed iyo dhuleed nabad laga dhigayo iyada loo danaynayo wadamada gobolka,markaas waa iska caadi ,laakiin haday jiraan qorshayaal kale ma garan karo markaas waana inaanu yeelanaa taxadir iyo feejignaan.Dabcan wadamo badan ayaan jeclayn ciidamada Shisheeye ee dalkayaga jooga,laakiin waxaan leenahay joogitaanka ciidamadaas waxaysida AMISOM oo kale leeyihiin awoodo aad u cad oo u dhaxeeya wadanka ay joogaan,waana wax kooban oo waxay ka shaqaynayaan amaanka iyo nabadgaliyada”sidaas ayuu yidhi wasiirka Arrimaha dibada Jabuuti Maxamed Cali Yuusuf.

 

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...