Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Xasan Faarax Dhimbiil oo ka mid ahaa Masuuliyiin uu Habeen hore Madaxweynuhu ka qaaday Xilalkii ay hayeen, ayaa ka dareen celiyey Xil ka qaadista lagu sameeyay.
Xasan Faarax Dhimbiil oo Shalay Warbaahintu waydiisay dareenkiisa ku waajahan Xilka laga qaaday, ayaa sheegay inuu u arko Xil ka qaadistaasi mid wanaagsan, maaddaama buu yidhi la iga qaaday Culays Masuuliyadeed oo i saarnaa.
Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka ee xilka laga qaaday oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Xilku waa meerto oo Maalin ba Qof baa jooga, markaa waa Arrin wanaagsan (in la iga qaado), waanan ku Mahadinayaa Madaxweynaha, Waayo? Eedda iyo is-qabqabsiga iyo xil badan oo I saarnaa ayuu iga fududeeyay.”
Wasiir ku-xigeenka Xilka laga qaaday wuxuu sheegay in Dad u haystaan inuu ka dambeeyay Xil ka qaadistii Maayarka Degmada Saylac iyo Doorashadii Maayarka cusub oo Muran ka dhashay, “Dad baa u haysta inaan Anigu dabada ka waday Qadiyadda Maayarka cusub ee loo doortay Magaalada Saylac, iyadoo Maayarka Sharci lagu doortay, isagoo Badhasaabku fadhiyo, oo Wasaaradda Arrimaha guduhu Amar siisay.”ayuu yidhi.