Massimiliano Allegri oo heshiis cusub u saxiixay Juventus

Date:

Massimiliano Allegri ayaa heshiis cusub oo ku eg ilaa 2019 qalinka ugu duugay kooxda Juventus sida uu fahansan yahay warsidaha goal.

Allegri ayaa ka caawiyay Juve inay ku guuleysato horyaalka Serie A iyo Copa Italia wuxuuna ku hogaamiyay final ka Champions League.

Tan iyo sidii uu u qabtay xilka kooxda lagu naaneyso Marwada Duqda ah 2014 wuxuu kooxda kula guuleysanayay labo koob oo maxali ah xilli ciyaareed kasta wuxuuna leeyahay qiimeyn 69% dhanka guulaha.

Laacibkii hore ee qadka dhexe ayaa lala xiriirinayay inuu qabto xilka Arsenal ka hor inta uusan Arsene Wenger saxiixin labo sano oo heshiis cusub, laakiin wuxuu iminka baaqi ku sii ahaan doonaa ilaa laga gaaro dhammaadka kal ciyaareedka 2018-19.

2015, Allegri ayaa ka caawiyay Juventus inay soo gaaraan final koodii ugu horreeyay muddo 12 sano kaddib, isla marxaladaa ayuu ku soo celiyay sanadan inkastoo ay guul daro xanuun badan ka soo gaartay Real Madrid oo afar gool ku xaaqday.

Allegri ayaa heshiiskiisan cusub sanadiiba ku qaadan doona mushaar dhan 7-milyan oo euro.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...