Wasiir Xaglo-Toosiye Oo Ka Hadlay Khalad Ka Dhacay Madashii Lagu Goddoomayay Deeqdii Dawooyinka Ahaa Ee Wasiir Cali Mareexaan Diyaarada Ku Geeyay Burco
Wasiirka wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) ayaa ka hadlay dawooyin Jimcihii Doraad la gaadhsiiyay magaaladda Burco, kaasi oo wasiir Cali Mareexaan sheegay inuu ugu deeqay dadkii uu xanuunka shuban-biyoodku soo ritay, daawooyinkaas oo qayb ka ahaa diyaarad uu wasiir Cali Mareexaan dalka keenay, taasi oo madaxda wasaaradda caafimaadku u qaadatay deeq ay ka sugayeen hay’ad, isla markaana madashii lagu guddoomay daawooyinkaasi ay uga mahadnaqeen hay’addaasi.
Shir jaraa’id oo shalay ay wadajir ugu qabteen magaaladda Burco Masuulyiinta gobolka Togdheer waxaa ay mahadnaq u jeediyeen wasiirka hawlaha guud iyo guriyaynta Cali Mareexaan oo ay sheegeen in diyaaradii uu kusoo qaaday dawooyinka gurmadka ah ay qayb ka ahayd gurmad ka xukuumad ahaan uu uga wakiil ahaa, oo isagu gobolka soo gaadhsiiyay, balse aanay ahayn diyaarado dawooyin gurmad ah oo ay soo gaadhiin lahay hay’ad dibedda ah.
Wasiirka caafimaadka Dr. Saleebaan Xaglo-toosiye oo ka hadlay khalad uu sheegay inuu ku dhacay is-faham la’aan oo warbaahinta maray ayaa yidhi; “khalad yar oo dhacay oo ku dhacay is-faham la’aan, kaasi oo ahaa iyadoonu wasaarad ahaan aanu sugaynay diyaarad dawo ah, ayaa wasiir Cali Mareexaan diyaarad dawo ah keenay, wasaaraddu waxay u qaadatay tii ay sugaysay, markaasaanu u mahadnaqnay hay’addii, runtiina hay’addu may iman, oo tii hay’addu ilaa beri (maanta) ayay nasoo gaadhaysaa. Diyaaradii shalay (dorraad) timid, dawadii ay waday waxaa ku deeqay oo soo gaadhsiiyay magaaladda Burco wasiirka hawlaha guud, Cali Mareexaan, oo runtii ah nin ku sifaysan waxqabadkan deegaanka laga soo doortay.” ayuu yidhi Wasiirka Caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye)