Somaliland: Boqor Buur-Madow Oo Shalay Dalka Kusoo Laabtay Kana Hadlay Shir La Sheegay Inay Beeshiisu Qabsanayso

Date:

“Hawlaha isugaya waan garanayaa si degan oo miisaan leh oo wadatashi leh, oo annagu madax-dhamaeedkayagu, shacabku wuxuu doonayo ayaanu u go’aaminaa uguna ducaynaa, rabitaanka shacbiga ayaanu ku shaqaynaa oo dusha waxba kaga keeno, waxay doonayaan ee markaasi ah shir aayahooda ah ayaanu doonaynaa inaanu toosino.” sidaasi waxa yidhi Boqor Cismaan aw-Maxamuud Buur-madow oo kamid ah madax-dhameedka Somaliland oo shalay maruu kasoo laabtay safar uu ugu maqnaa Imaaraadka Carabta, saxaafadda kula hadlay magaaladda Hargeysa.

Boqor Cismaan Buur-madow waxa kale oo uu jawaab ka bixinayay su’aal ay warbaahintu ka weydiisay wasiirro iyo siyaasiyiin ku lug leh shirka beesha uu kasoo jeedaa qabsanayso, oo lala xidhiidhiyay inuu siyaasadaysan yahay, waxaanu yidhi “arrinkaasi arin meel kadhac ah weeyi, wax ka jiraana majiro. Wasiirro is haya iyo siyaasiyiin beesha ku legdamaysa midina ma jirto. Reerku isaga ayaa inuu shiro oo tashado ay kasoo go’day, isagaana wata haday aqoonyahan tahay iyo haday qurbajoog tahayba, waanay isku waafaqsan yihiin, waa arrin dhaqan, waa arrin horumarineed, waana ka dheer yahay wax siyaasad ah.”

Dhinaca kale waxa uu boqor Cismaan Buur-madow meesha ka saaray in shirka beesha uu kasoo jeedaa qabsanayso ay door ku leeyihiin xisbiyada mucaaridka, waxaanu yidhi “wax xisbi ah oo lagu casuumayaa shirkani ma jiro, waana arrimo dhaqan, beeshuna aayaheeda ayay kaga tashanaysaa dhaqan dhaqaale, oo dalkeenna abaaraa ka dhacay, wax siyaasad ah oo aanu ka yeelayno inay soo galaan ma jirto, waanu dhacayaa shirkaasi.” Sidaasi ayuu kusoo afmeeray hadalkiisa Boqor Cismaan Buur-madow

 

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...