Magaca Ninka Ku eedaysan Inuu Burco Nin ku dilay Ee Hargeysa lagu qabtay Shalay
Ciidammada Booliiska, ayaa shaaciyey inay Gacanta ku soo dhigeen Gacan ku dhiigle ay sheegeen inuu bishii Afraad ee Sannadkan Magaalada Burco ku dilay Nin la odhan jiray Mursal Cabdillaahi Geelle.
Boolisku waxay sheegeen in Gacan ku dhiiglaha la qabtay oo intaaba baxsad ahaa ay Doraad Gacanta ku soo dhigeen isagoo bay yidhaahdeen ku sugan guri ku yaalla Degmada Axmed-Dhagax ee Magaalada Hargeysa.
“Ciidanka Boolisku waxay Gacanta ku soo dhigeen Saaka (Shalay) Gacan ku dhiigle Xamse Xariir Maxamed oo 27-kii Bishii April ee sannadkan Magaalada Burco ku dilay Marxuum la odhan jiray Mursal Cabdillaahi Geelle.” Ayuu yidhi, Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Somaliland Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle)
Hoggaanka Hawl-gelinta Booliiska Gaashaanle Sare Cabdiqani Ciise Maygaag oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa faahfaahiyey siday u soo qabteen Ninka Gacan ku dhiiglaha ah ee Qofka ku dilay Magaalada Burco, waxaanu yidhi “Waxaanu idiin sheegaynaa inaanu soo qabanay Gacan ku dhiigle Xamse Xariir Maxamed Xasan, oo Burco ku dilay Marxuum Mursal Cabdillaahi Geelle. Ninkaasi markii uu Dilka geystay wuu baxsaday, intaana Baadi-doon ayuu Boolisku ku jiray, laakiin Saaka (Shalay) ILAAHAY wuxuu nagu guuleeyay inaanu soo qabano isagoo jooga Guri ku yaalla Degmada Axmed-dhagax.”
Hoggaanka Hawl-gelintu wuxuu sheegay in Hawl-gal ay ku soo qabteen Ninka Dilka ku eedaysan uu si wanaagsan ugu fulay, “Hawl-galkaasi si wanaagsan buu noogu fulay, Ninkiina waanu soo qabanay oo waxaanu ku wareejinay Ciidammada Dambi-baadhista, waanu qirtay inuu yahay Ninkii dilay Marxuumkaa (Mursal Cabdillaahi Geelle” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu farriin u diray Booyadaha iyo Gaadhi-dameerleyaasha Biyaha ka dhaamiya Dooxa Hargeysa iyo meelaha kale ee aan Habboonayn, “Shirkan jaraa’id waxaan uga faa’ideysanaynaa baaqii ka soo baxay Wasiirka Caafimaadka, oo uu na soo gaadhsiiyey Taliyaha Ciidammada Booliiska Cabdillaahi Fadal Iimaan, kaasi oo ahaa Amar, amarkaasi oo ahaa inaan Dooxa Hargeysa iyo Dhaamka Jigjiga yar laga dhaamin karin Booyad, Gaadhi-dameer (Biyoole).”
Amarka lagu mabnuucayo in Biyo laga dhaamiyo Dooxa Hargeysa iyo Dhaamka Jigjiga yar ayaa ah mid lagaga gaashaamanayo in Cudurrada Shuban-biyoodku ka mid yahay ay ka dillaacaan Hargeysa, maaddaama oo uu ka jiro meelo Somaliland ka mid ah, sida Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer.