Magaalada Burco, ayaa waxa la gaadhsiiyey Daawooyin loogu Talo-galay in lagu daweeyo Dadka qaba Cudurka Shuban-biyoodka oo ka dillaacay Magaaladaasi isla-markaana Tobaneeye Qof ku dilay halkaasi.
Daawadan ayaa isku-duwaha Wasaarada Caafimaadka ee Gobolka Togdheer Dr. Yuusuf Dirir uu sheegay inay keentay Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland oo ay ka caawisay Hay’adda ICRC.
“Waxa na soo gaadhay Dawo ay Jamhuuriyadda Somaliland keentay oo ay naga caawisay Hay’adda ICRC, Dawadu waxay ka kooban tahay waxyaabihii Muhiimka ahaa ee loogu talo-galay Shuban-biyoodka.” Ayuu yidhi Isku-duwaha Wasaaradda Caafimaadka ee Gobolka Togdheer Dr. Yuusuf Dirir,
Badhasaabka Gobolka Togdheer Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa ku baaqay in Dedaalka loogu jiro bedbaadada Dadka Xanuunsanaya laga saaro Siyaaadda, “Siyaasadda iyo Cid ku xumaynta hala laga saaro (Hawsha), iyo Nin walba sidii Dhidar onkod kiciyey uu meel ka dhawaaqo waa wax lala yaabo, yaynaan Dhidar onkod kiciyey wada noqonin, hawsha Cid baa haysa oo Masuuliyaddeeda leh oo looga dambaynayaa, ee Ninkii Wax tarayoow Waddadeeda soo mar.”ayuu yidhi, Badhasaabka Gobolka Togdheer.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) oo isaguna ka hadlay goobtii Dawada lagu wareejiyey ayaa yidhi “Waxaanu u Mahad-naqaynaa Hay’adda ICRC oo ka soo jawaabtay Codsigayagii ahaa inay Dawo noo soo dhiibto.”
Wasiirka Caafimaadku waxa kale oo uu sheegay “Hay’ado badan baanu la xidhiidhnay, WHO way soo waddaa, Hay’adda isku-tagga Laanqayraha Cas bisha Lixdeeda ayay Diyaarado waaweyn ku keenaysaa, Bakhaarraduna way noo buuxaan oo Dawadii way taallaa”