Farax Qasab oo ahayd haweenay u dhalatay Dalka Ciraaq oo daganayd Magaalada Dubai ee Dalka Imaaraadka Carabta ayaa u socdaashay Dalka Lubnaan si ay u soo gasho qaliin ay ku doonaysay inay ka dhaxasho qurux, amase ugu tala gashay in ay isku soo qurxiso.
Farax oo u kicitintay inay u tagto mid ka mid ah Dhakhaatiirta ugu waaweyn dhinaca Qaliinada Qurxinta ee ku nool Dalkaasi Lubnaan ayaa soo noqotay iyada oo meyd ah, waalidka dhalay Farax oo ah ganacsade caan ah oo magaciisa la yidhaahdo Jawaad Qasab ayaa waxa uu sheegay in aanu ogeyn tallaabadaasi ay ku dhaqaaqaday sababtana u noqotay geerideeda, waxaanu arrintaasi ku sheegay wareysi uu siiyay jarriidada Al-nahar ee ka soo baxda Dalkaasi Lubnaan, waxaanu tilmaamay in gabadha uu dhalay ay ogeyd in aanu ogolaanayn haddii ay u sheegto, wax warbixin ah oo ka soo baxday sababta ay dhimashadani ku dhacday ilaa iyo haatan lama oga, laakiin dhakhaatiirta gacanta ku hayay waxa kaliya oo ay xaqiijiyeen in qiimaha qaliinkaasi uu ahaa 50 kun oo Dollar.