Somaliland: Wariye Ka Tirsan Warbaahinta Ka Hawlgasha Burco Oo Uu Haleelay Xannuunka Shuban Biyoodku Isagoo Hawl Maalmeedkiisa Ku Jira, Xaaladiisana Uga Waramay

Date:

Wariye Maxamed Xasan Diiriye(Maxamed Jookar) oo ka mid ah Wariyayaasha ka hawlgala Magaalada Burco ee Caasimada Gobolka Togdheer ayaa ka mid noqday dadka reer Burco ee uu saacadihii u dambeeyay uu soo ritay Xannuunka Shuban Biyoodka oo farobaas ku haya Magaaladda Burco,isagoo ku guda jira Shaqo maalmeedkiisii iyo tabinta dadka Waxyeelada Shuban biyoodku soo gaadhay,isagoo markaasi uun sawiro ka soo qaaday Xabsiga Magaalada Burco oo ah halka uu shuban biyoodku ka abuurmay ama uu ka istaadhmay.
Wariye Maxamed Jookar oo aanu Xalay Khadka Telefanka kula xidhiidhnay isagoo markaasi loo qaaday dhinaca Guriga uu ka degan yahay Magaalada Burco ayaa wargeyska Foore uga waramay xaaladiisa caafimaad iyo sida uu xaalkiisu yahay waxaana uu yidhi“Walaal Aad ayaan u fiicanahay,Cisbitaalka waan ka baxay,Guriga ayaa la igu dabiibayaa,waxa uu xannuunkani i haleelay mar aanu Doraad Maxaabiista Xannuunka Shuban biyoodku ku dhacay ee ku jirta Xabsiga aanu sawiro ka soo qaadnay,walaal mar dambe uunbaan hor iyo dabo noqday oo aan dareemay xannuunkan,walaal waa la ila tacaalay,Imika waaniga hadli karaya,Maansha Allaah,waan fadhiyaa oo waan sheekaynayaa Caawa,Faleeboyin badan ayaa la igu rikibay kuwaasi ayaa iisoo celiyay Fuuqii iga baxay oo caadi iga dhigay,Alle waa ii Sahlay,Maansha Allaah,Alle ayaa mahad aan la soo koobi Karin leh,Alxamdulilaah”.
Wariye Maxamed Jookar ayaa sidoo kale isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi“Magaalada Daawooyinku waa ay ka sii go’ayeen Xalay,laakiin imika waxaa la iisheegay inay Daawooyinkii wada yaalaan,Waa la soo wada gurmaday,Shirkadihii ganacsiga ee gaarka loo lahaa,Shacabkii wax haystay,Ururadii Bulshadda iyo Dawladiiba,gurmad ayay galeen,oo daawooyinkii waa ay keeneen,Aniguna aad ayaan u fiicanahay,Maansha Allaah,Alle ayaa Mahad oo dhan iska leh,Alle ha inaga dul qaado Xanuunka,Aamiin”.
Xaaladda shuban biyoodka aya meel halis ah maraysa magaalada Burco iyo deegaanada u dhaw.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...