Waxa aynu maqaalkan ku lafa guridoonaa talooyin la xidhiidh ramadaanta iyo cuntadeeda.
Waxa aynu si gaara uga hadlidoonaa nidaamka afurka ee ugu wacan.Waxaa muhima in afurka lagu bilaabo timir iyo biyo cad ama caano waayo timirta waxa ku jira sonkor dabiici ah oo dheefshiidku is fudud u bur burin karo isla markaana si fudud ugu milmi karta jidhka.
Waxa kale oo dhakhaatiirtu ku talisay in qofka soomani xilliga afurka uu cabo dareere diran lkn maaha in shaaha iyo bunka in la cabo afurka waxaana haboon in laga danbaysiiyo ugu yaraan 2 saac iyo in la cabo afurka biyo yar ama caano aan aad u qaboobayn.
Waxa kaloo dhakhaatiirtu ku talisay in waqti fiican loo dhaxaysiiyo cashada iyo afurka waxa aanay ku sababaysaa in dhuunta dheefshiidku ay cuntada iyada oo aan wax muruga iyo khalkhal dhicin.
Cuntada ugu fiican in lagu afuro waxa la sheegay in afurka lagu dadaalo saladhka oo jidhku uu ka helo faytamiinno iyo macadana kale oo ka caawiya qofka sooman in aanu gaajoon waxa kale oo ka ilaaliyaa calool istaaga.