Dawlada Itoobiya Oo Hawda Ka Saartey Guud Ahaan Khadkii Internet-ka Ee Dalkaas

Date:

Khadkii Internetka ee Itoobiya oo dhan ayaa la jaray si looga hor tago in Online -ka lagu faafiyo imtixaanka heer qaran, sida uu sheegay afhayeen u hadlay dawladda.

Maxamed Siciid oo ka tirsan xafiiska xidhiidhka dowladda ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay “In jaritaanka internetka looga golleeyahay in aysan soo laabanin arrintii sannadkii hore dhacday oo kale oo ahayn in internetka lagu faafiyay imtixaankii heer Qaran”.

Sannadkii 2016kii ayay dawladdu mamnuucday baraha ay bulshadu ku xidhiidhto ka dib markii imtixaankii heer qaran ee dugsiga sare lagaga gudbayay la soo dhigay Online-ka.

Imtixaannadan heer Qaran ayaa la filayaa in ay dhammaadaan siddeeda June, ka horna waxaa muuqata in dowladda Itoobiya ku dadaali doonto xifdinta Imtixaanka.

Inkastoo lagu sheegay in baraha bulshada oo kali ah la xannibay haddana ilo ku sugan Itoobiya ayaa BBC-da u sheegay in ay jirto internet la’aan baaxad leh oo saamaynaysa Mobeellada iyo taleefannada kale ee internetka ku shaqeeya.

Xaalad deg-deg ah ayaa ka jirtay Itoobiya tan iyo bishii Oktoobar ee sannadkii hore, arrintaas oo daba socotay mudaaharaadyo dawladda lagu diidanaa.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...