Magaalo Madaxda Dalka Morocco Oo Ka Mid Noqotay Magaalooyinka Ugu Dadka Badan Leh Adduunka !

Magaalo madaxda Dalka Morocco  ee loo yaqaan Daar Al-baydaa waa magaalo aad u qurux badan waxaana ku nool 1Km Square ee ka mid ah magaaladaasi Dad tiradoodu dhan tahay 14,200.

Haddaba, warbixin dhawaan ay soo saartay hay’ada World Economic Forum oo had iyo jeer ka duusha kuna tiirsan xogaha ay ka hesho Qaramada midoobay ayaa shaacisay in magaalooyinka ugu dadka badan leh Adduunka ay ku yaalaan Qaaradaha Afrika iyo Asia waxaanay sheegtay in tobanka magaalo ee ugu dadka badan leh adduunka 6 ka mid ahi ay ku yaalaan qaarada Asia 3 ka mid ahina waxay ku yaalan Qaarada Afirka halka Dalka tobnaad uu ku yaalo Qaarada Ameerikada Koonfureed.

Magaalo Madaxda Dalka Morocco ayaa ka mid noqotay magaalooyinka ugu dadka badan leh qaarada afrika iyo adduunkaba waxaanay World Economic Forum shaacisay inay magaalooyinka ay dadka ugu tirada badani ku nool yihiin ay tobanka hore kala yihiin sidan :

Comments

comments