Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Ka Gubtay Eedo Lagu Xidhiidhiyay Inuu Lacagtii Abaaraha Ka Dhistay Huteelka SAW Ee Boorama, Iftiimiyayna Jihooyin Wax Isdaba Marin Iyo Leexin Ku Sameeyay Taakulayntii Abaaraha
“Gurmadka Waanu Gaadhsiinay Halkii Loogu Talo Galay, Wax Yar Oo Meelaha Faraha Ka Baxay Oo Qof Bani Aadam Ahi Leex Leexiyay Way Jiraan, Laakiin Waxaanu Mar Walba…”….Saylici
Madaxweyne Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaciil Saylici Ahna Gudoomiyaha Gudida Abaaraha Somaliland ayaa iftiimiyay jiritaanka Khalaad uu sheegay inay shaqsiyaad gaar ahi sidii loogu talo galay ka leex leexiyeen,balse waxa uu sheegay inay culimada iyo gudida uu Gudoomiyaha u ahaa ay hadh iyo haabeen heegan u ahaayeen inay sidii la rabay u gaadhsiiyaan agabka iyo maacuunta dadka abaaruhu taabteen loogu dhiibay, waxa uu si gaar ah uga gubtay Warar uu sheegay in lagu baahiyay Shabakadaha Wararka,oo ku saabsanaa inuu lacagtii abaaraha ka dhistay huteelka Boorama kuyaala oo layidhaa SAW,kaasi oo uu sheegay in ninka dhistay ee iska leh la iska garanayo oo aanay jirin wax loogu xidhiidhiyay iyo wax lagala doonay,waxa uu sidoo kale Culimada Gudida abaaraha ku jirta ka difaacay eedo uga yimid Warbaahinta oo sidiisa oo kale lagu xidhiidhiyay inay musuq maasuqeen Lacagtii abaaraha.
Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa sidan ka sheegay munaasibad Habeen hore Madaxtooyadda ka dhacday oo lagu soo bandhigay Xisaab xidhka Lacagtii abaaraha ee sanadkii hore la ururiyay iyo sida ay u kala baxday,waxaana hadalkiisa ka mid ahaa“Xukuumadda Dhaliisheedu waa waxaanu u taagan nahay oo kama xanaaqno,laakiin waxaan aad u dareemay oo si gaar ah aniga ii dhibay,Culimadeenii maanta ugu saraysay ee Diinta inagu hogaaminaysay ee masaajida ugu waa weyn joogtay Marka maanta la yidhaahdo Culimadii ayaa ku naaxday Xoolihii umadda loo dhiibay Taasi ayaa runtii aad iyo aad ii dhibta, Anigoo Gudoomiyaha Gudida Abaaraha ah ayay qaar igu odhanayaan Waar lacagtii Abaaraha sawta Culimadii iska isticmaashay ee iska maamulatay,Anigii ayay iiga waramayaa,Waxa nasiibdaro ah Tuhunku halka uu gaadho,”.
Waxa kale oo uu yidhi“Waxa la yidhi Waxa laguu sheego maankaaga la kaasho,Haddii lagu yidhaa Maxamed Aadan ayaa Milyan Cunay,oo aad iska qaadata uun waa nasiib daro,Sheekhaas maanta jooga masaajidka magaalada Hargeysa ugu wayn,intuu cilmi ka shubayo iyo intuu Aqoon Diini ah leeyahay aad garanaysiin,Waxa inagu yaraaday Birimagaydadii inaan dhawrno,Shalay oo u dambaysay Anigaygan idin horjooga Waxa Website-da la yidhaa,ee Xaaraanta ah,Waa xaaraane,Waxay Qoreen Madaxweyne Ku Xigeenku wuxuu ka dhistay Huteel la yidhaa “SAW” Booram,oo waliba ninka leh la garanayo,Wuxuuna ka dhistay Lacagtii Abaaraha, Shalay ayay ku jirtay Websitedada,Waa huteel la garanayo,ninkii lahaa Asalkiisii oo la garanayo,oo waliba magaciisii la garanayo,waxaan leenahay waar Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen looma roonee hala inoo daayo Culimada inoo shaqaynaysa”.
Ugu Dambayn waxa uu yidhi“Waxaan halkan umadda reer Somaliland hortooda uga mahadnaqayaa gudidaasi abaaruhu sidii ay u shaqaysay ee ay habeen iyo dharaar lahayd ee ay Hawlahooda oo dhan dhulka u dhigeen,ee ay gidaar walba u soo jiifsadeen,Waxaan umadda Somaliland leeyahay in wixii aad bixiseen Horaysa iyo dambaysaba inaanu dadkii gaadhsiinay, halkii loogu talo galay,Wax yar oo meelaha Faraha ka bax baxay oo qof bini aadam ahi leex leexiyay way jiraan,waana la heli karaa,Laakiin waxaanu mar walba ku dadaalaynay in cidii loo waday ay gaadho,Taaasina way ku dadaaleen geed walba way soo jiifsadeen Culimadu,amaan ayay ku leeyihiin”….. ayuu hadalkiisaasi ku soo koobay.