Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Farxaan Aadan Haybe oo dhawaan safar shaqo oo uu ku wehelinaaya Wasiir Kuxigeenkiisu Guuleed Maxamed Shire kaga soo laabtay Dalka Singapore, ayaa waxa uu qaar ka mid ah Warfidiyeenka Somaliland ugu waramay Xafiiskiisa.
Waxaanu hadalkiisa ku bilaabay Wasiirku:- “Marka hore waad mahadsantihiin bahdiina warbaahintu umadda Somaliland na waxaan leeyahay Ramadaan Kariim, safarkaa Singapore aan ku tagay waxa uu ka mid yahay uun shaqooyinka wasaaraddu ay dedaalka ugu jirto in lagu tayeeyo oo lagu dar dar galiyo adeega xoogan ee ay bulshada u haysp”
Wasiirka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Anaga ayaa wefti reer Singapore ah markii hore u yeedhnay, gaar ahaan xubno ka socda qaybta maamulka hawada waliba dugsiga maamulka hawada lagu barto iyo qolo samaysa qalabkan hawada lagu maamulo, ka dib wakhtigaasi shirkaanu halkaa u tagnay safarkaasi hore ayuu dabaca socday oo iyaga ayaa noo soo diray martiqaad rasmi ah, kaasi ayaanu ku tagnay oo aanu kula kulanay madaxdii wasaaradda iyo xarunta Akaadamiyada ee maamulka hawada dalka Singapore, waxa ay noo ahayd safar taariikhi ah oo wanaagsan wixii aanu ka soo wada hadalnayna wax badan oo dan u ah Somaliland ayaa ku jiray, waananu ku talo jirnaa inay tababaro badan shaqaalaheenu kaga qayb qaataan oo aanu xagaa u dirno, casriyeynta madaaradeenana qayb ayey ka tahay inay nagala qayb qaataan”.
Wasiirka oo ka jawaabayey su’aal warbaahintu weydiisay oo u dhignayd dhaq dhaqaaq todobaadyadii u dambeeyey dawladda Somalia ku doonaysay inay maamulka hawada gacantooda gasho dawlad ahaan waxa ay kala socdaan waxa uu yidhi wasiirku “Horta Somaliland waa dal iskii isku maamulay oo go’aansaday inuu ka badbaadiyo duruufaha amni darro ee ka jira Somalia, wax cid lagala gor gortamayo oo cid talo laga weydiinayana maaha waxa se wada xaajood ka furan yahay sidii loo kala guran lahaa wixii isaga daadsan Somalia iyo Somaliland dabcan hawaduna qayb ayey ka tahay, taasi markaa shirar badan ayaa laga galay Istanbul 1, Istanbul 2 iyo Ankaraba oo markii dambe lagu shirayba waa laga galay, waxyaabihii lagu heshiiyey oo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Silanyo) iyo madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud qalinka ku duugeen wuu fuli waayey oo waxa uu u fuli waayey waa kii hore Agaasimahayagu u sheegay oo waxa ay ahayd Xukuumaddaasi Somalia”
Wasiirka oo ka hadlayey taariikhda sababta keentay in hay’add ICAO lagu wareejiyo maamulka hawadu waxa uu yidhi “Taariikhda keentay in maamulka hawada la wareejiyo waxa ay ahayd markii amni darrada Somalia ka jirta laga hortagayey in diyaaradahaasi caawimada wadaa ay ka soo dagaan ay ka soo dagaan madaarada Somalia, markaasi ka dib hay’adda UNDP ayaa hab maamulkeeda dhex gashay tababaro iyo waxbaa yimid, dabadeedna madaarada qaar ayey yar xaadh xaadhay oo madaaradeenu ka mid ahaayeen oo ay qalabkiisa wax ka yar qab qabatay, markaasaa xeer xiligii Butrus Qaali qaramada midoobay maamulayey la soo saaray in ICAO lagu wareejiyo, waana hay’ad qaramada midoobay ah maaha shirkad yar oo meel ka soo kacday waxa loogu wareejiyey inta la helayo heshiis Soomaaliyeed oo ay ku midaysan yihiin inay hawadoodii maamushaan oo tii ma jirto Dawladii Somalia loo sameeyey la iskuma raacsana oo Somaliland waa dawlad iskeed u gaar ah, sidoo kale maamul goboleedyadii iyaga hoos tagayey qaarbaanay isku raacsanayn marka ay asbaabahaasi jiraan ma jiro xeer jidaynaya in lagu wareejiyo”.
Wasiirka oo ka hadlayey go’aankooda haddii ay dhacdo in lagu waraajiyo maamulka hawada Dawladda Somalia, waxa uu yidhi “Haddii ay dhacdo in lagu wareejiyana oo wixii xaqa aynu lahayn ay isticmaalayaan oo aynu uga tagnay, waxa ay noqonaysaa Somaliland talaabooyinka ay qaadaysaa waa ay u cad yihiin cid ay kala gor gortan galaysaana ma jirto hawadeedana awood ayey u leedahay inay maamulato, taasina waxa ay keenaysaa khal khal ku dhaca mandaqada oo dhan umana fiicna xalka wanaagsani waxa weeyi in la wada hadlo, midna waa jirtaa horaan u sheegee inta ay ICAO xageeda u cararayaan Somaliland iyo Somalia waxbaa iska dan ah maxaa u diidaya in laga wada hadlo oo shalay dawladii xooga ah ahayd ee Siyaad Barre waxa riday waxa ay ahayd cidna u joojin mayno oo dhagaysan mayno haddii ay wadadii sii hayso mid nabad keenaya maaha, waxaan leeyahay dawladda Somalia anaga oo dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ixtiraam u hayna inay noolaadan ogol inay jiraan ogol inay horumaraan ogol inuu amnigooda iyo isku tashigoodu u hirgalo ogol hadana waxaanu leenahay wixii shalay lagu baaba’ay asbaabta keenay qayb waxa ka ahayd oo kow ka ahayd doonista shacabka dhagaysan mayno, wixii laga dhaxlayna waynu ognahay, waxa aan leeyahay miis wada hadal ha la isugu yimaado oo si Soomaalinimo ah oo ehelnimo ah lagu wada hadlo oo Somaliland inay la midawdo Somalia diyaar uma aha oo afti shacab ayaa lag qaaday, laakiin wixii kale ee suurtogalaya ee aan taasi ka hor imanayn diyaar ayey u tahay inay wada hadal ka gasho”.
Wasiirka oo ka hadlayey xidhiidhka ka dhaxeeya wasaaraddiisa iyo hay’adda ICAO waxa uu yidhi “Anagu hay’adda ICAO xidhiidh ayaa naga dhaxeeya oo ninka la yidhaahdo Ivan Galan ee fadhiya Montreal ee hay’adda madaxda ka ah qoraalka uu ii soo diray waan hayaa waanu noo cadeeyey in hawadaa cid uu ku waraajinayaa jirin ilaa ay Soomaali ka wada hadasho markaa war war kama qabno anagu oo intii ay hay’addaasi la xidhiidheen anaga noolamay soo xidhiidhiin dawladda Somalia oo anaga oo u han waynayn oo islahayn ugu yaraan waxbay bedelaysaa ama wixii hore ayey akhrinaysaa oo ay tixraacaysaayoo oo ay wax kale ku kordhinaysaa oo dan u ah mandaqada waxaan filayaa waxa ay imika wado waxaan filayaa inay tahay waxaan iyagana dan u ahayn anagana dan noo ahayn u dan ah inay hay’addaasi hawada gacanta ku sii hayso oo isqabsigaasi uu iyada dan u yahay markaa waxaan odhan lahaa xalku waxa weeyi aan miis wada hadal isugu nimaadno midh waa jiraa oo Somaliland doorasho ayey galaysaa laakiin waxa wanaagsan qawlkaa kaasi suurto galin lahaa inuu muuqdo mana muuqdo mabay u tageen hay’addaasi hadii ay doonayaan in wada hadal la isugu yimaado”.
Waxa xusid mudan Dalka yar ee Singapore waa magaalada caasimada ah kaliya oo dhulkeeda cabirkiisu yahay 754km oo laba jibaaran. Dadka ku nool dal ahaan waa 5,500,000 oo qof waxay ku dhextaal bad ma laha shidaal, macdan iyo waxsoosaar dhinaca beeraha ah hadana waxuu ka mid yahay dalalka faqriga ka suuliyay dadkiisa gaadhayna martabad horumar wata badhaadhe. Kaliya waxa dhaqaaluhu ka soo galaa adeega ( services) dhinacyada dekeda oo ah ta 3aad hadaanay ahaynba ta 2aad ee ugu shaqo badan aduunka sidoo kale madaarkooda iyo shirkadooda diyaaradaha oo ah kuwa ugu horeeya dhinaca adeega waxa weheliya iyadoo hanatay in ay dabar u noqoto iyo goob isku xidha lagana hago suuqyada maalgashiga iyo dhaqaalaha Eeshiya iyadoo suuqa ugu wayn ee maaliyada ah. Marka la isu wada geeyo dhaqaalaheedu waa adeeg waxa kaliya ay ka faaiidaysteen waa fursada goobta ay dal ahaan dhacdo ama ku taal iyadoo maalgashiga albaabada u furtay shuruud la’aan.