Somaliland: Musiibo Cudurka Shuban-biyoodka Oo Burco Si Xawli Ah Ugu Faafaya, Laba Kun Oo Qof Oo Uu Soo Ritay Iyo Soddomeeyo Qof Oo U Geeriyooday

Date:

Maxbuuskii Afraad Ayaa Xabsiga Burco Cudurkan Ugu Geeriyooday, Tirakoobkana Kuma Jiraan Dadka Aan Weli Goobaha Caafimaadka Soo Gaadhin

Mid ka mid Ah musiibooyinkii ugu waaweyna ee ka dhaca magaalooyinka Somaliland ayaa meel halis ah maraysa maadaama, cudurka shuban biyoodka ee ka dillaacay magaalada Burco uu marayo halkii ugu xumayd, iyadoo ay wararka naga soo gaadhaya xarunta gobolka Togdheer sheegayaan in iminka loo baahan yahay gurmad qayrul xad ah.

Xanuunkan Shuban-biyoodka ayaa waxa hadda u jiifa goobaha caafimaadka magaalada Burco dad tiraddoodu dhan tahay 2736 (Laba Kun Todoba Boqol Iyo Lix Iyo Sodon) Qof oo aanay ku jirin dadka iyagu aan wali soo gaadhin goobaha caafimaad ee jiifa guryaha magaalada Burco,sidoo kalena waxa xanuunkan Shuban Biyoodka u geeriyooday sida naloo sheegay 34 qof,wallow ay warar is khilaafsan kasoo baxayaan oo ay sheegayaan in tirada dadka u dhimatay xanuunkan ay ka badan yihiin halka ay wararka kalena sheegayaan inay ka yar yihiin laakiin xogaha ayaa waxay iftiimiyeen in tirada u dhimatay xanuunkan ay tahay ilaa hadda 34 qof oo qofkii ugu danbeeyey uu yahay Ilmo yar oo ku geeriyooday cusbitaalka magaalada Burco.

Sidoo kalena waxa xanuunkan Shuban Biyoodka ugu dhex geeriyooday jeelka wayn ee magaalada Burco maxbuuskii Afaraad ee xukunaa kaas oo sida ay noo sheegeen saraakiil ka tirsan ciidanka Asluubta jeelka wayn ee magaalada Burco uu geeriyooday habeenkii Salaasadii,waxaana sidoo kale xanuunkan u jiifa maxaabiis kor u dhaafaya 50 Maxbuus oo kamid ah maxaabiista ku xidhan jeelka iyo askar ka tirsan ciidanka Asluubta ee jeelka wayn ilaaliya.

Xanuunkan Shuban Biyoodka ayaa waxa isa soo taraya marba marka ka danbeysa dadka uu soo ridanayo oo u badan sidaan horeba idinku soo sheegnay caruur iyo waayeel iskugu jira odayaal iyo haween,waxaana dhakhaatiirta cusbitaalka magaalada Burco, kalkaaliyayaasha caafimaadka iyo waliba hay’addaha caafimaadka ka shaqeeya ee ka hawl gala magaalada Burco-ba ay ku hawlan yihiin sidii ay ula tacaali lahaayeen xaaladda caafimaad ee dadkan uu soo ritey xanuunka Shuban Biyoodku oo xaaladooda caafimaad adag tahay.

Sidoo kalena waxa iyaguna jira dad u jiifa xanuunkan Shuban Biyoodka guryaha magaalada Burco iyo deegaanada gobolka Togdheer kuwaas oo la ildaran xanuunkan una baahan gurmad deg deg ah, waxaana xaaladda magaalada Burco ay tahay wakhti xaadirkan mid adag oo la daalaa dhacaysa xanuunka Shuban Biyoodka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...