Warar ka imaanaya dalka Spain ayaa sheegaya in Barcelona ay ka fikiri doonto inay suuqa soo dhigto xiddigeeda Neymar haddii uu badeli waayo dabeecadihiisa iyo club yada uu habeenkii u boxo.
25 jirka reer Brazil ayaa u soo if baxay sida mid ka mid ah xiddiga ugu farsamada badan kubbada cagta adduunka tan iyo sidii uu u yimid Camp Nou 2013.
Laakiin sida muuqata wuxuu taageero wayn u yahay club yada habeenkii la aado.
Wuxuu kaloo jecel yahay inuu booqdo dalkiisa hooyo xilli la joogo bartanka xilli ciyaareedka.
Warar iminka ka soo baxaya Diario Gol ayaa sheegaya in sheekooyinkaas ay soo afjarmi doonaan kaddib tababaraha cusub ee kooxda loo gacan galiyay Ernesto Valverde.
Diario Gol waxay intaa ku dareysaa haddii uu Neymar is dajin waayo isla markaan uu ka tanaasuli waayo dabeecadahan in tababaraha reer Spain uu eegan karayo laacib uu ku badelo booskiisa.
Waxay sidoo kale Diario Gol soo jeedisay in Neymar uu ku qasban yahay inuu muujiyo hogaamintiisa inta lagu guda jiro kal ciyaareedka soo socda haddii uu doonayo inuu kooxda la sii joogo.
Xiddiga Juventus Paulo Dybala ayaa loo magacaabay midka ay suuro galka tahay inuu booska ka badelo Neymar inkastoo ay adag tahay kaddib markii uu heshiis dheer u saxiixay kooxda reer Talyaani bishii Abril.