80 qof oo ku dhimatay qarax ka dhacay dalka Afqaanistaan

Date:

Ugu yaraan 80 qof ayaa ku dhimatay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay caasimadda Afqaanistaan ee Kaabuul.Qaraxa oo dhacay saaka aroornimadii ayaa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

In kabadan 350 qof ayaa sidoo kale ku dhaawacantay weerarkaasi.

BBC-da ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku sheegtay in darwal u shaqeynayay hay’adda Maxamed Nazir uu ku dhintay qaraxaasi. Afar qof oo kale oo BBC-da u shaqeyneysay ayaa ka mid ahaa dadki ku dhaawacmay qaraxaasi.

Qaraxa ayaa ka dhacay goob aad loo ilaaliyo oo ay ku yaalaan safaarado shisheeye.

Dhismaha safaaradda dalka Faransiiska ayuu qaraxaasi waxyeello soo gaarsiiyay.

Ilaa iyo haatan ma cadda cidda rasmiyan ka dambeysay weerarkaasi, balse Taalibaan iyo kooxda la baxay Dowladda Islaamka ayaa labaduba kal hore weerarro ka geystay magaaladaasi.

Bishii la soo dhaafay ayaa kooxda Taalibaan waxay ku dhawaaqday in xilliga gu’ga ay billaabeyso guluf colaadeed oo cusub, kaa oo lagu bartilmaameedsan doono xoogagga ajaaniibta.

Kooxda la baxday Dowladda Islaamka ayaa sidoo kale kal hore weerar ka geysatay qaybo ka mid ah magaalda Kaabuul.

Kooxda Taalibaan ayaa sheegtay inaysan ku lug lahayn qaraxaasi oo aan wali acddeyn sida lagu geliyay goobtaasi oo si aad ah loo ilaaliyo.

  • Qarax galaaftay nolosha Zeyn oo siddeed jir ahaa
  • Dagaal ba’an oo ka socda Kunduz
  • Mareykanka oo askar dheeri ah u diraya Afqaanistaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...