Diyaarad ay leedahay shirkad si gaar ah loo lee yahay oo lagu magacaabo Bancroft ayaa subaxnimada maanta oo Salaasa ah shil ku gashey garoonka diyaradaha ee Adan Cadde magaalada Muqdisho.

Bancroft ayaa  ah shirkad laga lee yahay dalka Maraykanka oo ka shaqeysa arrimaha ciidanka iyo amaanka, waxaana ay heshiis kula jirtaa AMISOM oo ay siiso taabaro iyo taageero kale.

Wararku waxay sheegayaan in diyaarada xiligii ay degi lahayd ay ku timid cilad, waxaana u bixi waayey mid kamid ah shaagaga ay ku orodo marka ay soo degto, muddo ayey ku duuleysa dusha sare ee garoonka, diyaradda ayaa go’aansatey degitaan halis ah, waxaana ay soo degtey iyada taayirka hore u bixin waxaana ka dhashey qarax yar, kadibna waxaa ka soo boodey afar qof oo ahaa shaqaalaha shirkadda oo diyaaradda la socdey kuwaas oo bed qaba, sidaas waxaa warbaahinta u sheegey sarkaal ka tirsan Garoonka diyaaradaha ee Afan Cadde.

Gawaarida dabdemiska ayaa isla goobta gaarey, waxaana ay demiyeen qaraxii yaraa ee diyaaradda ka dhashey iyo qiiqii ka baxaayey ee ka dahsye degitaankii ay diyaaraddu caloosha ku degtey.

Saraakiisha Garoonka diyaaradaha ayaa sheegay in Diyaaraddu ku wargelisey mnaamulka garoonka in taayiradu u bixi waayeen, shidaalkuna aanu ku filneyn si ay hawada ugu jiri karaan.

Waxaa la hakiyey dhamaan duulimaaadyada diyaaradaha ee garoonka, waxaa goobta ku sugan dabdemiska garoonku lee yahay iyo shaqaalaha gargaarka deg-deg ah.