Xiddiga xulka qaranka Faransiiska iyo kooxda kubadda cagta waddanka Ingiriiska ee Manchester United Paul Pogba ayaa barta uu ku leeyahey mareegta xidhiidhka Bulshada ee Twitter soo dhigay sawiro maqal iyo muuqaal ah oo uu isaga soo qaatay mar uu shalay si rasmi ah u gudanayay cumro uu ku joogay xaramka Barakaysan ee Makka Al Mukarama oo uu doonayo in uu fasaxiisa ku soo qaato muddada lagu jiro bisha Barakaysan ee Ramadaan.
Xiddiga adduunka ugu qaalisan dhinaca lacagaha lagu kala iibsado ciyaartoyga kubadda cagta ayaa shalay oo ahayd maalintii koowaad ee curashada Bisha Barakaysan ee Ramadaan waxa si kedis ah loogu dhex arkay Masaajidka Xurmada leh ee Makka Al Mukaramma kadib markii uu dhammaaday xilli ciyaareedkii uu kooxdiisa kala qayb galayay oo ay maalmo koobani uun innaga xigaan markii uu kooxdiisa Manchester United kula guulaystay koobka xidhiidhka kubadda cagta ee qaaradda Yurub ee loo yaqaano Europa League, kaasi oo uu ciyaartii Finalka ahayd ee ay koobka ku qaadeen kooxdiisa u dhaliyey mid ka mid ah labadii gool ee ay koobka ku hanteen.
Inkasta oo xiddigo badan oo kubadda cagta ahi fasaxooda u doorteen jasiiradaha diirran ee loo dalxiis tago ee ku kala yaalla daafaha dunida haddana waakan Paul Pogba oo isagu markii saddexaad oo xidhiidh ah u safray Magaalada Barakaysan ee Makka Al Mukarrama si uu halkaasi ugu soo cumraysto muddada lagu jiro bisha Barakaysan ee Ramadaan.
Muuqaalka Paul Pogba ku baahiyey degelka uu ku leeyahay mareegta xidhiidhka Bulshada ee Twitter waxa uu muujinayaa isaga oo ku labbisan labadii go’ ee caddaa ee Malaabisul Ixraamka ahaa sidoo kalena ku guda jira dawaafkii Kabcada Barakaysan ee Masaajidka Xurmada leh una muuqda nin khushuucsan.
Sidan oo kale waxa marar badan lagu arkay iyaga oo gudanaya Cumro xiddigo kubadda cagta caan ka ah, garoomadana si weyn looga yaqaano oo ay ka mid yihiin Mascuud Ozil, Fredric Kanoute, Dimba Ba iyo Kareem Benzema.
Paul Pogba inkasta oo uu Faransiiska ku dhashay oo uu haysto dhalashadiisa haddana waxa uu isirkiisu ka soo jeedaa qoys Muslim ah oo u ku aroora isisr ahaan waddanka Senegel ee qaaradda Afrika waxaana dhawaan geeriyooday aabihii oo lagu magacaabi jiray Faso Anduwaan oo da’diisu ahayd 79-jir kaasi oo muddo badan xanuun la il darnaa.
Xiddiga Manchester Ee Paul Pogba Oo Bisha Barakaysan Ee Ramadaan Ku Cumraysanaya Masaajidka Xaramka Ee Makka Al Mukarrama Kadib Guushii Europa League
Date: