Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex Cabdillaahi Jibriil Gaaxnuug (Buraale), ayaa Shalay Shir-jaraa’id oo uu ku qabtey xafiiskiisa wuxuu kaga xaal warramey amniga guud ee dalka.
Ugu horreyn wuxuu Guddoomiyuhu warbixin kooban ka bixiyey nabadda buuxda ee ka jirta guud ahaanba Jamhuuriyada Somaliland, “Mahad oo dhami Alle ayay u sugnaatey, illaaha nabad-qab inagu soo gaadhsiiyey bilashada bisha barakeysan ee RAMADAAN, marka xiga waxaan si hagar la’aan ah ugu mahadnaqayaa shacabka JSL oo markasta heegan buuxa ugu jira nabadgalyada dalka iyo horumarka, runtiina may suurto gasheen nabadgalyadaas buuxda ee dalka oo dhan ka jirta haddii aanay shacabka Somaliland wada ahayn Booliis”
Guddoomiye Buraale wuxuu farriin u diray Shacabka Caasimadda Hargeysa, “Shacbi weynaha ku nool guud ahaan gobolka Maroodi-jeex, gaar ahaan caasimadda Hargeysa waxaan ugu baaqayaa inay si wada jir ah ula shaqeeyaan ciidamada Booliiska JSL, ee hadh iyo habeenba heeganka ugu jira ilaalinta iyo adkeynta nabadgalyada dalka, waxaan farriin adag u dirayaa dhammaanba waalidiinta ku kala nool degmooyinka caasimadda Hargeysa inay ubadkooda si adag uga war hayaan oo ku kaantaroolaan gacan adag, waayo haddii nabadgalyo darro lagu qabto ciidanku ma aqbali doonaan masjid-buu ku jirey iyo waxbaan u dirsadey toona, waa la xeraynayaa, gacan adagna waa lagu qabanayaa iyadoo xadhig iyo xukunba lala cuskan doono, waalidiin ka illaashada ubadkiina iney ku kacaan falal amni darro ah.”
Guddoomiye Cabdillaahi Jibriil Gaaxnuug, waxa kale oo uu ka hadlay Warar sheegaya in Dawladda Ingiriisku ay Somaliland ku dartay Dalalka aanu ammaankoodu wanaagsanayn, “Waxaan dawladda ingiriiska u sheegayaa in Somaliland ay tahay dal nabdoon ay dimuqraadiyada si toos ah uga hanaqaaddey, suurto galna maaha in nalagu daro dalalka argagaxisadu ku nooshahay, runtii annaga shicibkayagu waa wada Boolis, amnigana iyagaa ilaashada dalkayaguna wuu ka madax bannaanyahay in lagu sheego argagaxiso ee warbixitaas dib ugu noqda.”ayuu yidhi.