Somaliland: Xukuumadda Somaliland Maxay Ka Yaashay Lacgtii Abaaraha Loo Ururiyey ?

Date:

guddida ka soo kabashada abaaraha ee 18-May Madaxweynuhu u Magacaabay oo uu shir gudoominayey gudoomiyaha guddidaas ahna wasiirka wasaaraadda Madaxtooyada, Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa kulan muhiima isugu yimid galabta oo sabti ah taariikhduna tahay 27/05/2017 qasriga madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulankaas oo qaatay ilaa bacda afurkii waxa lagaga hadlay arrimo doora oo la xidhiidha hawlihii madaxweynuhu u igmaday ee taakulada ka soo kabashada abaaraha, waxaana warbiximo laga dhegeystay qaybaha guddidu ka kooban tahay oo shaqooyin muhiima qabtay muddo gaabana ku soo ururiyey lacag muhiima oo dhan 3,281,940.55.

Markii shirkaasi soo dhamaadayna waxay guddidu isla garatay in la dardar geliyo sidii qayb libaax ay uga ciyaari lahaayeen shacbiga Somaliland tabarucaadka loo ururinayo dadka ku caydhoobay abaarta iyo qorshaha danbe ee xukuumaddu u dejisay in lagaga diyaar garoobo abaaraha noocan oo kale ah, lana abuuro shan maxsuul oo la rabo in xal loogu helo abaarahaas, kuwaas oo kala ah:

  1. In la taakuleeyo laguna celiyo 20,000 oo qoys oo ka barakacay deegaanadoodi.
  2. In la xooleeyo 10,000 oo qoys oo ku xoolo waayey abaartii ba’nayd ee dalka ku dhufatay
  3. In la qodo 25 ceel biyood oo dhaadheer iyo 18 bali oo waa weyn la sameeyo lagana qodayo meelaha baahida biyaha ee ugu darani ka jirtaan.
  4. In 3,500 oo beero ah la sameeyo 12ka bilood ee soo socda
  5. In la xidho 12 seere oo keyd u noqda xoolaha wakhtiyada abaartu jirto
  6. waxaanay guddidu bulshada is xilqaantay ee sida weyn u muujiyey dareenkooda waddanimo kula dardaarmeen in ay sida ugu dhakhsaha badan u soo bixiyeen lacagihii iyo xoolihii ay isku qoreen madaama oo wakhtigu is gurayo.

Sidoo kale waxa ay guddidu u mahadnaqaysaa dhamaan warbaahinta kala duwan ee sida wanaagsan uga qayb qaatay baahinta iyo tebinta arrinta tabarucaadka gaar ahaan Tv-yada wakhtigooda qaaliga ah u huray inay dadkooda uga faa’iideeyaan qayb ka mida saacadahooda shaqo iyo idaacadaha Radio Hargeysa iyo Fm ta Quraanka Kariimka ah oo iyagu laga bilaabo beri afarta ilaa lixda ku soo biirin doona dedaalkoodi hore ee qaadhaan ururintaas.

Waxa kale oo ay shacbiga Somaliland u soo jeediyeen guddidu inay qayb ka noqdaan sanaaduuq muhiima oo la dhigi doono goobaha mudan in la dhigo ee ay ka mid ka yihiin Egal International Airport, Hotel-lada waa weyn ee dalka IWM.

Ugu danbayntiina waxa shirkaasi lagu go’aamiyey in dalal Kuwait iyo Imaaraadka loo diro xubno ka mida guddida, kuwaas oo la kulmi doona jaaliyadaha reer Somaliland ee ku sugan halkaas iyo masuuliyiinta dalalkaas iyo in dhalinyarada is xilqaantay ee tabarucaadka ku mari doona meheradaha iyo suuqyada waa weyn ee magaalooyinka dalka lala shaqeeyo oo qof walba uu soo dhaweeyo qaybna ka noqdo qaadhaan ururintaasi marka ay bilaaban da’a yartaasi hawshaasi. Iyagoo shacbiga kula dardaarmay guddidu in aanay marnaba ka caajisin qaadhan bixinta dib loogu taakulaynayo dadkeena, haday tahay dadka ku sugan gudaha dalka iyo kuwa debedaba, iyadoo rayul caamkuna la dhacsan yahay sida aynu dhexdeena wax isu tarnay inagoo horena caan ugu ahayn arrimo badan oo aan caalam ka intiisa kale ka hirgelin ama aan hore loogu arag.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...