Somalia: Diyaarad ka duushey Muqdisho oo dab-qabsadey dib ugu soo noqotey Garoonka Adan Cadde

Date:

Diyaarad ay leedahay shirkadda duulimaadka African Airways Alliance (Daallo) duulimaadkeeduna ahaa 159 oo ka kacdey garoonka diyaaradaha ee Adan Cadde kuna jeedey jabuuti ayaa qarax ka dhacay gudaheeda iyada oo ku jirta Duulimaad. halka qaraxu ka dhacay ayaa ku beegan mid kamid ah Matoorada diyaaradda.

Qaraxa ama dabka ayaa dhacay wax yar kadib markii diyaaraddu hawada gashey. Waxana qaraxu ka dhacay sida wararku shegayaan meel ku dhaw kuraasta 15F ama 16F.

Wararku waxay sheegayaan in diyaaraddu si nabad ah ugu soo noqotey garoonka diyaaradaha ee Adan Cadde ee ay ka duusheymuddo 30 daqiiqo ah kadib duulimaadkeedi. Waxaana loo sii diyaariyey shaqaalaha la dagaalama dabka, iyo gargaarka deg-dega ah.

Rakaabkii saarnaa ayaa si nabadgelyo ah lagu soo dejiyey, waxaana la xakameeyey dabkii qabsadey matoorka diyaaradda, midkamid ah shaqaalaha garoonka ayaa warbaahinta u sheegey in laba qof dhaawac ka soo gaarey dabka.

Diyaaradda qaraxu ka dhacay iyada oo hawada ku jirta ayaa nooceedu ahaa Airbus A321, waxaana ay u kireysneyd shirkadda Daallo.

Maamulka Shirkadda duulimaadka ee African Airways Alliance oo ay ku mideysan yihiin Daallo iyo Jubba ayaan wax war ah ka soo saarin shilkan iyo waxa sababey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...