Ciidamadda Booliiska Somaliland ayaa lagu waramayaa inay Khamiistii lix nin oo lagu tuhunsanyahay Daacish iyo Alshabaab ku qab qabteen magaaladda Hargeysa.
Lixda Nin ee la qabtay ayaa la sheegay inay dhawaan ka soo dageen madaarka Hargeysa, iyagoo ka soo kicitimay Somaliya, waxaana ku raad joogay ciidamadda Amniga,
kuwaas oo markii danbe qab qabtay. Lixda Nin ayaa lagu qab qabtay degmadda Ibraahim Koodbuur,
halkaas oo kii ugu horeeyey laga qabtay masaajidka Mulac, halka sida warku sheegayo kuwa kale-na laga qab qabtay guryo ay ku jireen.
Dhacdadan oo ahayd khamiistii galinkii danbe ayaanay illaa hadda Xukuumadda Somaliland iyo Booliisku toona ka hadal, hase yeeshee waxa aad looga dareemay xaafaddaasi markii uu hawl-galku socday.
Al-shabaab ayaa dhawaan hanjabaado usoo marisay warbaahinta Somaliland, iyagoo ku eedaynayey gabdho qurbajoog ahaa oo ay xukuumadda Somaliland u dhiibtay afar dal oo kala ah Ingiriiska, Maraykana, Denmark, kuwaas oo xukuumadda Somaliland ku eedeeyey hablahaas inay