Somaliland: “Soomaali Hore Ayay Siyaasad Ugu Kala Tagtay Balse Ganacsiga Cid Walba Waan La Wadaagaynaa Waanan Kobcinaynaa Dhaqaalaha Qarankeena”..W/M/Xaashi

Date:

Muxuu Wasiir Maxamuud Xaashi Ka Yidhi Awoodaynta Baanka Dhexe, Maalgashiga Kambaniyada Shisheeye, Ganacsiga Xorta Ah
Iyo Doorka Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo?

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sheegay in Soomaali ku kala tagtay siyaasad balse Somaliland Soomaali iyo ajaaniba la wadaagi karto ganacsiga oo ah wax la wada wadaago isaga oo dhinaca kalena baananka Somaliland ee gaarka loo leeyahay ugu baaqay in ay umadda ka dhimaan macaashka 15% ah ee ay ka qaadaan, sidoo kalena sheegay in ay xukuumaddiisa uu ka mid yahay mar walba diyaar u tahay kobcinta ganacsiga iyo siyaasadda furfuran ee ganacsiga si dalkani dhaqaale kobcodsan u yeeshi, shaqo abuurkuna ku bato halka uu baananka ugu baaqay in ay ku shaqeeyaan oo akoono u furan lacagta qarankan ee Shilin Somaliland-ta ah.
Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland waxa uu sidan ka sheegay mar uu ka hadlayay dorraad Khamiistii xaflad ballaadhan oo lagu ibo furayay Bangiga cusub ee Primier Bank oo ka mid noqon doona baananka caalamiga ah ee ka hawl galaya Somaliland isaga oo wasiirku bangigan soo dhaweeyey sidoo kalena u mahad naqay shirkadihii iyo baanankii hore dalkan u aaminay ee ku soo dhiirraday in ay dalkan maal gashadaan sidoo kalena ka shaqaystaan balse hoosta ka xaqiiray in loo baahan yahay in baanka dhexe ee Somaliland noqdo kan dusha kala socda baananka gaarka loo leeyahay isaga oo sheegay in xukuumaddu siyaasad cad ka leedahay kobcinta ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo sidoo kale awoodaynta baanka dhexeba.
Wasiir Maxamuud oo arrimahaa ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Somaliland way kortay waanay tisqaadday. Waa dhab in dhinacyada Private Sector-ku aad u koray waxaana suurto galiyey oo koriyey maamul dawladeed, waxa dhiirri geliyey nabad, waxa dhiirri geliyey maamul, haddii la waayo kala dambayn iyo dawladnimo ninna adduunkiisa cid ma amaahin karo berrito cid uga soo qaaddaba heli maayo. Baanku marka uu wax maal galinayo waxa uu u baahan yahay dawladnimo uu dhabarka saaro waxa aan halkan ka bogaadinaynaa baanankii Somaliland ka hawl galay ee ay ka mid ahaayeen Daarasalaam Bank iyo DAHABSHIIL Bank wakhti adag ayay ku soo beegmeen oo aanay ku soo beegmin Priemier Bank. Shirkadihii shisheeye iyo waddaniba lahaa ee dalkan maal gashaday waan bogaadinaynaa waxaanan soo dhawaynaynaa Bangiga Premier Bank. Waxaanu doonaynaa in aannu siyaasadda ganacsi ee dalkan furfurno, xukuumaddan aan ka tirsanahay ee uu Hogaamiyo Madaxweyne Siilaanyo waxa siyaasaddeeda ka mid ah in aannu ganacsiga furfurno oo ku soo dhiirri gelinno dad maal gashada shisheeye iyo sokeeyaba. Waxaanu u soo jiidaynaa in ajaanibku dalkan maal gashadaan, shaqo ayaa ka abuurmaysa, xumcad baa innooga kordhaysa si sharciga iyo qaanuunka dalka waafaqsan. Waxaannu soo dhawaynaynaa Soomaalida kale in ay maal gashato. Cuqdad kama qabno bulshada soomaaliyeed in ay halkan (Somaliland) maal gashato oo shirkadahoodu ka shaqeeyaan. Dunida ganacsigu waa isugu jiraa Soomaalina waa isugu jiri karaa. Soomaali siyaasad uunbay ku kala tagtay oo dawlado. Ma ogolin in siyaasad lagu shuraakoobo laakiin Bulshada Somaliland way la shuraakoobi kartaa marka ganacsi ay timaaddo Soomaali inteeda kale iyo shisheeyaba”. Ugu dambayn Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa sheegay in ay awoodaynayaan baanka dhexe ee Somaliland oo uu sheegay in loo baahan yahay in uu isagu dusha kala socdo oo maamulo baananka caalamiga ah ee dalka ka dhisan, sidoo kalena sheegay in loo baahan yahay in baananku kobciyaan shilinka somaliland oo ay akoono u furan cumladda qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...