Ilo-wareedyo Daaha Ka Fayday Ujeedada Kulan Qado Ah Oo Ay Shalay Isku Haleeleen Odayaal Kasoo Kala Jeeda Koonfurta Hargeysa Iyo SOOL
Kulan qado ah oo ay isugu yimaaddeen qaar ka mid ah odayaal dhaqameedka beelaha Koonfurta Hargeysa iyo Gobolka Sool ayaa shalay ka qabsoontay caasimadda Hargeysa iyada oo aan la ogayn xaqiiqo ahaan waxa uu daarnaa kulankaasi qadada ahi haddana waxa soo baxayay warar sheegayay in uu salka ku hayay arrimo siyaasadeed oo la xidhiidha gacan hoose oo u dhaxaysa xisbiga UCID iyo beesha Gobolada Sanaag Bari iyo Sool kulankaasi oo lagu baahiyey baraha bulshada.
Sida ay xalay baahiyeen qaar ka mid ah shabakadaha wararku kulan qado ah oo gaar ah oo ay shalay isugu yimaaddeen odayaal ka kala socda beesha Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo odayaal ka soo jeeda Gobolka Sool ayaa ka qabsoomay Huteel Riyaad ee Caasimadda Hargeysa kaasi oo la isku waydaarsaday xodxodasho siyaasadeed isa wararka kulankaasi ka ag dhawaa sheegeen iyada oo sidoo kale uu kulankaasi ka dhex muuqday ku xigeenka xoghayaha guud ee xisbigaasi UCID Md. C/naasir Yuusuf Cismaan (Qodax).
Sidoo kale ilo wareedyada kulankaasi ka soo baxay waxa ay sheegayaan in Ujeedada ugu muhiimsan ee kulankaasi daarnaa in uu ahaa mid daba socda isbahaysi siyaasadeed oo la sheegay in uu Faysal Cali Waraabe ku doonayo in uu ku kasbado beesha Dhulbahante isaga oo la sheegay in uu qorshayno Musharrax Madaxweyne ku xigeen oo xisbigaasi UCID uga tartami doona beeshaasi Gobolka Sool marka la gaadho doorashooyinka Somaliland ka qabsoomi doona sida la filayo dabayaaqada sannadkan.
Ma aha markii ugu horraysay ee ay soo baxaan warar noocan oo kale ahi iyada oo uu horeba fagaareyaal kala duwan Guddoomiyaha UCID si rasmi ah uga sheegay in uu Musharraxiisa Ku xigeen ee doorashada soo socota uu ka soo xulan doono Beesha Dhulbahante