Somaliland: Wasiir Cukuse Oo Ka Hadlay Bilowga Olole Ay Wasaaraddiisu Ku Tallaalayso Xoollo Ka Badan Saddex Milyan Oo Neef

Date:

Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee Somaliland oo kaashanaysa Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee FAO, ayaa dalka Ka bilaabaya wejiga labaad ee ololaha daaweynta xoolaha Somaliland, kaas oo laga fulin doono guud ahaan Gobollada Somaliland. Ololahan daaweynta xoolaha Somaliland oo qorshuhu yahay in daaweyn kor loogu qaadayo daryeelka iyo heerka caafimaadka ee Xoolaha dalka loogu sameeyo xoolo ka badan sadex Milyan oo Neef oo ku filiqsan guud ahaan gobollada iyo Degmooyinka Somaliland, ayaa waxa uu si rasmi ah u bilaabmi doonaa 27 bishan May, waxaannu socon doonaa muddo 42 maalmood ah oo ku dhaamaysa 07 Bisha July. Wasiirka Xannaanada Xoolaha ee Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo uu weheliyo Sarkaal ka tirsan Hay’adda FAO oo ololahan Wasaaradda ka caawinayey, ayaa maalintii shalay ee khamiistii waxa ay ka amba bixiyeen Xarunta Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Kooxaha Dhakhaatiirta ah iyo hawl wadeennada fulinaya ololahan daaweynta ah Xoolaha ah, kuwaas oo tiradood gaadhayso 300 oo qof. Wasiirka Xannaanada Xoolaha Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo hadal u jeediyey hawl-wadeennada Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee ololahan fulinaya, ayaa waxa uu kula dardaarmay in hawsha culus ee loo diray in ay u gutaan si xilkasnimo ah, isla markaana ay gaadhaan Gobollada look ala diray. Wasiir Cukuse, waxa uu kale oo uu farriin u diray dadka Xoolo dhaqtada ah ee reer Somaliland oo uu u soo jeediyey in ay Xoolahooda daaweeyaan, isla markaana ay gacan siiyaan hawl wadeenada Wasaaradda Caafimaadka. Wasiirka Xannaanada Xoolaha oo ka hadlayey ujeeddada laga leeyahay ololahan, waxa uu yidhi “Maanta (shalay) oo ay taariikhdu tahay 25/5/2017 waxaanu halkan ka Iclaamineynaa hawlgal cusub oo ah kii 2aad oo ay Hay’adda FAO  ka kaalmeyso Jamhuuriyadda Somaliland ee daaweynta Xoolaha Somaliland xiliga roobka oo Al-Xamdulilaah maanta ay dhibicdii roobku dalkeena si fiican u heshay Illaahayna aynu ka baryeyno in Gu’ga inta hadhay iyo Dayrtuba innoo noqdaan kuwo aynu kaga bogsano xanuunkii adkaa ee Abaarta ee ina soo maray Illaahayna waxaynu ka rajaynaynaa in uu inoo aqbalo ducadaasi.”  Wasiirka oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Sida aan idiin sheegay taariikhda oo ah  25/5/2017, waxa halkan Xafiiska Hargeysa iyo xarumaha Goboladda ka amba bixi doona hawl wadeeno Caafimaad oo 300 oo qof, hawl wadeenadda Caafimaad oo isticimaali doona  42 Gaadiid ah, waxay hawsha ay maanta bilaabayaan wadi doonaan si xidhiidh ah mudo 42 maalmood ah, tiradda xoolaha la daaweynayaa waa 3 Milyan oo Neef  ee xiligan Hay’adda FAO hore doorkan doorkii ka horreeyey oo wakhti yari u dhexeeyeyba waxay FAO innaga kaalmaysay in aynu daaweyno 2 Milyan oo neef, Xukuumadda Somaliland waxay daweysay tiradaa  mid ku laban-laabmaysa.”

Wasiirka Xannaanada Xoolaha oo la dardaarmaya kooxaha Dhakhaatiirta ah ee Gobollada u baxaya, waxa uu yidhi “Kooxihii iyo hawl wadeennadii hore waad ka nasiib badan tihiin idinku oo waxaad shaqeyn doontaan xilli adag oo abaaro laga soo baxay Ramadaana lagu jiro, waxaad shaqeyn doontaan iyadoo dhulka abaar ka soo doogay, idinkuna waad soomantihiin. Waxaanad shaqeynayaan idinka oo helaya laba ajar”

Sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay Sarkaal ka tirsan Hay’adda FAO oo lagu magacaabo Khaalid M. Sicid, waxaannu u soo jeediyey hawl wadeennada in ay hawsha loo xil saaray u gutaan sidii loogu talo galay, waxaannu xusay in ay arrintan tahay mid muhiim ah oo lagu daweynayo Xoolaha Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...