Somaliland: “Aniga & Siilaanyo Waanu Heshiin Karnaa, Laakiin Shacabka Somaliland Waxaanu Diyaar U Ahayn Siilaanyo Kuma Qasbi Karo”

Date:

Hoggaamiyaha Khaatumo Oo Hargeysa lagu waydiiyey in Dawladda Soomaaliya Ciidamo ka qoranayso Deegaanno Buuhoodle Ka mid tahay

Hoggaamiyaha Kooxda la baxday Khaatumo Dr. Cali Khaliif Galaydh, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Warar Maalmihii u dambeeyay sheegayey in Dawladda Federaalka Soomaaliya bilowday inay Ciidamo ka Qorato Deegaannada Bariga Somaliland oo ay Buuhoodle ka mid tahay.

Cali Khaliif Galaydh oo Telefiishanka HCTV Wareysi ku siiyey Magaalada Hargeysa oo uu Safar ku yimid Toddobaadkan, ayaa sheegay inaanu ogeyn Wax Ciidamo ah oo Dawladda Federaalka Soomaaliya ka qoranayso Buuhoodle iyo Deegaannada ku dhow, oo taa beddelkeedana ay jiraan Hawlo Dawladda Soomaaliya uga Muhiimsan inay Xilligan Ciidamo qortaan.

Madaxweynaha Kooxda Khaatumo oo ugu horeyn ka jawaabaya Su’aal laga waydiiyey waxa uu kala socdo Wararka sheegaya in Dawladda Soomaaliya Ciidamo ka qoranayso Buuhoodl, ayaa yidhi “Waxaan ogahay oo ay Khaatumo u samayn karaan iyo Ciidamo ay Khaatumo ka dhex qorayaan (Ma ogi), waayo? Waxyaabo kale oo mudan baa ka horeeya (in Soomaaliya Ciidamo ka qorato Khaatumo).”

Dhanka kale, Cali Khaliif Galaydh wuxuu sheegay in isaga iyo Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ka heshiin karaan Xurgufta Siyaasadeed ee u dhexeysa Khaatumo iyo Somaliland, haddii buu yidhi Shacabka Somaliland ogolaadaan, “Shacabka Somaliland hadday ku taageeraan, Aniga iyo Siilaanyo waanu heshiin karnaa, laakiin Shacabka Somaliland waxaanu diyaar ahayn kuma Qasbi karo Siilaanyo..”ayuu yidhi.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...