Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa dawladda Somaliya ugu hanjabay in haddii ay soo farogaliso arrimaha gudaha Somaliland ay dawlada Somaliland markaas farogalin jawaab ah oo toos ah ku samayn doonto siyaasadda gudaha ee Somaliya.
Dr Scad oo u waramay majaladda African Arguments wuxuu dunida ku canaantay inay ceeb ku tahay inay aqoonsan waayaan qaddiyada iyo madaxbanaanida jamhuuriyada Somaliland.
“26 Sanadood ayaa kasoo wareegtay markii aanu go’aansanay inaan u ka baxno midowgii,wali lanama aqoonsan laakiin wax badan ayaa is badalay .Somaliland-ta 2017-tu aadbay uga duwan tahay Somaliland-tii 1991,wadankayagii ayaanu dhisana,shaqaalihii ayaanu dhisanay doorashoo oo hal qof iyo hal cod ah ayaanu qabsanay,degenaansho ayaanu gaadhnay,wax badan waanu ka qabanay arrimaha Bulshada,waxaanan leenahay 30 Jaamacadood oo aanan hore u lahayn iyo kun dugsi dhexe”ayuu yidhi Dr Sacad Cali Shire waxaana uu intaasi raaciyey Dr Sacad “Siyaasadd ahaan Somaliland aadbay u wanaagsan tahay,Horaantii Sagaashamaadkii marka aanu nimaadno Ingiriiska,waxaan la kulmi jirnay Saraakiil hoose,laakiin hadda waxaan la kulanaa heer Wasiir.Waxaan qabnaa inay dunida ceeb ku tahay inay aqoonsan waayaan Somaliland,waxa la dafirsan yahay xuquuqdayadii Qaranimo,dhinac waa ka arrin Bini’aadamnimo,ma jiro dunida dal odhanaya Somaliland ma jeclin,sababtoo ah dhibaato uma gaysano,si kale hadii loo yidhaahdo Aqoonsi buuxa oo ay Somaliland heshaa wuxuu ka caawinayaa Bulshada caalamka sidii ay ula tacaali lahaayeen caqaadaha jira sida argagixisada iyo Budhcad-badeeda.
Wasiir Sacad Cali Shire mar la waydiiyey wada hadalada Somaliland iyo Somaliya wuxuu yidhi “Wada hadalo ayaanu la bilownay Somaliya sanadkii 2012-kii,Shan sanadood wax badan maanu gaadhin,Madaxwaynaha cusub ee Somaliya waxa uu sheegay inay wada hadaladu ka go’an yihiin bulshada Caalamkuna aadbay u taageeraysaa ,sidoo kale anagana way naga go’an tahay ,waxaanu rajaynaynaa inaanu Miiska dushiisa si nabad ah ugu xalino waxii khilaaf ah ee dhexdayada jira sababtoo ah hadii kale waa inaanu dagaalamaynaa taasina waxay waxyeelaysaa Labada dhinac iyo Gobolkaba”.
Wasiir Sacad oo kasii hadlaya dagaal dhex mari doona Somaliland iyo Somaliya waxa uu yidhi
“Waxaan filayaa inuu yahay jidka kaliya ee noo furan,waxay ku andacoonayaan in Somaliland kamid tahay Somaliya,hadii ay doonayaan inay dhaqan galiyaan waxa ay ugu yeedhaan xaqqa ay u leeyihiin in Somaliland laga maamulo Muqdisho,markaas waanu la dagaalamaynaa waana inaad dagaal gashaa ,waxaanu farogalin doonaa Arrimahooda gudaha hadii ay arrimahayaga gudaha farogaliyaan,markaas waxaanu yeelanaynaa xidhiidh cadaawadeed xdhiidh cadaaawadeedna labada dhinacba uma fiicna gobolkana uma fiicna”sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay wasiir Sacad.