Somaliland: Nin Ku Dhintay Roobkii Khasaaraha U Gaystay Garoonka Kubadda Cagta Oo 24 Saacadood Kadib Maydkiisa La Helay

Date:

Maamulka Gobolka Togdheer Oo Dayac Wayni  Ka Muuqdo Tan iyo Intii Badhasaab Ramaax La Wareegay

Shacbiga Gobolka Togdheer ayaa aad u argagaxay kadib markii garoonkii kubadda cagta ee Alamse Stadium laga soo saaray qof mayd ah oo ku dhintay roobabakii habeen hore ka da’ay magaalada Burco.

Roobkii Isniintii ka da’ay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdher ayaa waxa uu gaystay khasaare naf iyo maal leh, waxaana ka mid ahaa in qayb ka mid ah garoonka kubadda cagta ee Alamsa Stadium uu dumay kadib markii danab ku dhacay.

Sidii aanu hore u soo gudbinay bur-burka garoonka Stadium ayaa sababay dhimashada hal qof, sidaasna waxa sheegay maamulka gobolka Togdheer, haseyeeshee dadwaynihii goobta ka dhawaa ayaa codsaday in goobta la baadho, balse maamulka Gobolka Togdheer ayaa diiday in la baadho bur-burka garoonka kubadda cagta, waxaana ay sheegeen inaanay waxba ku jirin.

Ugu dambayn dadkii goobta ka dhawaa aya ku adkaystay inay baadhaan bur-burka garoonka waxaana laga helay meydka hal nin oo 24 saacadood halkaasi ku jiray.

Mooganaanta maamulka gobolka Togdheer iyo bahda gurmadka ayaa loo aanayn karaa masuuliyad darrada falkaas, waxaana ay muujinaysaa habac sanaanta maamulka gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...