“Gabooye aniga waa ehelkayga, Waxaan aad iyo aad u canbaaraynayaa gabadha iyo wiilka is guursaday ciqaabka loo geystay inanta iyo inanka aabihii” Boqor Buurmadaw
Mid ka mid ah dhacdooyinka ugu foosha xun ee bulshadu dhaqan ahaan caadaysatay ayaa ka dhacday magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, kaidb markii inan reer somaliland ah oo ka soo jeeda beelaha Isaaq loo diiday inay u dhaxdo wiil ka soo jeeda beelaha Gabooye oo ay is calmadeen.
Gabadha wiilka loo diiday oo lagu magacaabo Rooda Mukhaatr Yuusuf ayaa sheegtay inay markii hore wiilkan isku qabeen qaab meher xad ah, balse kadib markii ay qoyskoodii u sheegtay inay nin beeshaas ka soo jeeda oo Gabooye ah isguursadeen lagula kacat tacaddi jidhka ah, iyadoo la dal-dalay muddo saddex cisho, waxaana intaas dheer in aabaha gabadha dhalay uu nabarro u gaystay aabihii dhalay wiilka inantiisa soo doonay.
Rooda Mukhtaar oo ka waramaysa sida ay iyada wax ugu dhaceen ayaa tidhi:
“Waxaan xidhnaa sadex habeen iyo sadex maalmood, xadhig ayaana lugaha, gacmaha iyo qoortaba kaga xidhnaa, ninka midgaanka ah maxaad ka doonatay ayaa laygu sheegtay”
Dhinaca kale, waxa arrintan ka hadlay salaadiinta iyo boqorada beelaha Gabooye, waxaanay shacbiga Somaliland, culimada iyo xukuumadda ugu baaqeen inay cadeeyaan sababta aan beelaha Gabooye loo guursan karin loogana guursan karin.
“Annakoo islaam ah oo ashahaadanayna oo isku dhaqana oo isku dal ah waxa hablihiina naga xaaraantimeeyay gaaladana u fasaxay bal culimada Somaliland ama culimada Soomaaliduba bal arrintaas hanooga soo jawaabaan” sidaas waxa yidhi Boqorka Guud ee Beelaha Gabooye Boqor Axmed Ugaas Iimaan Warsame.
Sidoo Suldaan Daakir Xasan oo ka mid ah madax-dhaqameedka beelaha Gabooye ayaa sheegay inay falalka noocan ahi soo noq-noqdeen balse aanay illaa hadda jirin cid ka dhiidhiyaysaa, waxaana uu si adag u soo jeediyey in si deg-deg ah arrinkas wax looga qabto, isagoo arrinkaas ka hadlayana waxa uu yidhi:
“intaas oo qadiyadood baa dhacday oo noocan oo kale ah, wax ka xumaaday oo ka damqaday oo ummadda uga digay maanu arag, culimo nadwo ka qabatay maanu arag, ciidan ka dhiidhiyay maanu arag, maxkamado ka dhiidhiyay maanu arag, dawlad ka dhiidhiyay maanu arag, cid ka dhiidhiday maanu arag” .
Geesta kale waxaa arrinkan ka hadlay Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadaw oo ka mid ah madax dhaqameedka Somaliland gaar ahaana kuwa beelaha Isaaq, waxaana uu arrinkaas ku tilmaamay mid laga xumaado oo aad u foolxun, waxaana uu soo jeediyey in tallaabo laga qaado qoyska ku dhaqaaqay talaabadan, isagoo arrinkaas ka hadlayana waxa uu yidhi:
“Gabooye aniga waa ehelkayga islaamnimo iyo ehelnimo intaba. Waxaan aad iyo aad u canbaaraynayaa ugana xumahay gabadha iyo wiilka is guursaday ciqaabka loo geystay inanta iyo inanka aabihii. Waxaan xukuumada iyo laamaha amniga usoo jeedinayaa in sharciga la mariyo cida waxaa geysatay ciqaab adagna lamariyo. Waxaan aad iyo aad uga tacsiyadaynayaa dadka walaalaha ah ee dhibtu gaadhay.”