Wasaaradda Cadaaladda Oo Ka Hadashay Maxbuus 11 Bilood Xukun Suge Ahaa Oo Jimcihii Ku Dhex Geeriyooday Xabsiga Dhexe Ee Hargeysa

Date:

Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay Geerida Alle ha u naxariistee Muwaadin Magaciisu ahaa Cabdiraxmaan Cabdillaahi Xirsi oo Jimcihii ku Geeriyooday Xabsiga dhexe ee Magaalada Hargeysa.

Cabdiraxmaan Cabdillaahi Xirsi oo Da’diisu ahayd 64 Jir, ayaa 11 bilood Xukun suge ku ahaa Xabsiga dhexe ee Magaalada Hargeysa, isagoo la noolaa Xanuunnada ay ka mid yihiin Macaanka iyo Dhiig-karka, sida uu Warbaahinta u sheegay Qareenkii u doodayey intaanu Geeriyoonin.

Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Cadaaladda Somaliland Khadar Axmed Diiriye oo Shalay Telefiishanka SAAB wax ka waydiiyey waxyaabaha sababay Geerida Cabdiraxmaan, marka laga yimaaddo Wakhtigiisa oo dhammaaday Awgeed, ayaa sheegay inuu u geeriyooday Xanuun ku soo booday.

Wasiir-Dawlaha oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Siday War-bixinta noogu soo gudbiyeen Masuuliyiinta Xabsiga dhexe, Maxbuuskaasiwuxuu ahaa Nin eedaysane ah oo Gar-suge ah, oo Dacwaddiisuna ay soo gebogabowday oo ay dhammaatay isla-markaana uu sugayey Go’aankii Maxkamadda.”

Waxa kale oo uu sheegay Wasiiru-Dawluhu “ILAAHAY ha u Naxariisto wuxuu ku geeriyooday qaybta Caafimaadka ee Xabsiga dhexe ee Hargeysa , Waayo? Jeelka dhexe wuxuu leeyahay Qayb Dhakhtar ah oo loogu talo-galay Dadka Xanuunsanaya. Markii uu Geeriyooday waxa la ii soo sheegay in Qayb ka mid ah Eheladiisu ay Goobta joogeen, oo Inan uu dhalayba ay Goobta taagnayd.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Xanuunka uu u dhintay waa xanuun ku soo booddo ah, siday noo sheegeen Masuuliyiinta Gacanta ku haye.”

Wasiiru-dawlaha oo la waydiiyey inay Sharci-darro tahay in Qof Muwaadin ahi uu Jeelka dhexe xukun la’aan ku jiro muddo 11 bilood ah, ayaa ku jawaabay, “11 bilood wakhti badan maaha, waayo? Qofka eedaysanaha ah waa in la hubiyaa, oo Maxkamadda la keenaa oo lagu caddeeyaa, dabadeed uu is-difaacaa.” Ayuu yidhi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...