Somaliland: Wefti Uu Hoggaaminayo Wasiirka Waxbarashada Oo Lagu Soo Dhaweeyay Yufle, Daryeele, Gudmo Biyo-cas Iyo Ila-dugaax

Date:

Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Cabdillaahi Ibraahim Habbane (Cabdillaahi-dheere) isla-markaana ay Weheliyaan Guddoomiyaha imtixaanaadka Qaranka Daa’uud Axmed Faarax, Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Axmed Jaamac Falay iyoTaliyaha qaybta Booliiska ee Gobolka Sanaag Axmed Siciid (Digo-roor), ayaa kormeer ku soo maray deegaannada Yufle, Ila-dugaax, Daryeele iyo Gudmo biyo-cas, ee Galbeedka Degmada Ceerigaabo.

Ujeeddada socdaalka Wasiirka iyo Weftigiisa ayaa salka ku haysay Xog-ogaal u noqoshada Xaaladda guud ee Dadka iyo Duunyada ku dhaqan Deegaannadaasi, iyagoo Weftigu aad ugu kuur-galeen baahida dhanka Waxbarashada ee deegaannadaasi ka jirta.

Wasiirka iyo Weftigiisa ayaa dhammaanba deegaannada ay kormeerka ku marayeen Shacabka ku nool kala kulmeen soo dhaweyn ballaadhan iyo dareen Waddaniyad Xambaarsan oo lagala hor-yimid Wasiirka iyo Weftigiisa.

Ugu horeyn, waxa Weftiga Wasiirka qaabilay Dadweynaha ku dhaqan Tuulada Ina Duggaax, halkaasi oo Weftigu soo dhaweynta ka dib ay Dadweynaha kala hadleen Goob Fagaare ah.

Daa’uud Axmed Faarax, Guddoomiyaha Imtixaanaadka Qaranka oo ugu horeyn halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Waxaanu Aakhiro iyo Adduunba aanu Markhaati ka nahay Dadka ku dhaqan Tuulooyinkaa aanu soo marnay inay yihiin Dad diyaar u ah Dawladdooda iyo Waxbarashadaba, in muddo ah waxaan la arag ayaanu kala kulanay (soo dhaweyn), waanuna idiinka Mahad-celinaynaa. Waxaanu aragnay in Dadkani yihiin Dad Waxbarasho u baahan xitaa markaanu eegnay Ardayda. Markaanu isku wada qaadno Tuulooyinka aanu soo marnay Macalimiinta idiin joogtaa waa Macalimiinta ugu aqoonta badan.”

Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Axmed Jaamac Falay oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa Wasiirka Waxbarashada u soo jeediyey in wax laga qabto Baahiyaha dhanka Waxbarashada ee deegaannada qaarkood ka jira.

Sidoo kale, Weftiga uu Hoggaaminayo Wasiirka Waxbarashada ayaa lagu soo dhaweeyay Tuulada Daryeele ee Gobolka Sanaag, iyagoo ku soo wareegay Raadadka Taariikheed ee yalkaasi yaalla.

Sidoo kale, Weftigu waxay War-bixinno ka dhegeysteen Odayaasha iyo Waxgaradka deegaanka Daryeeli, Aakhirkiina waxa Khudbad u jeediyey Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada.

Ugu dambayn, Weftiga Wasiirka uu hoggaaminayo ayaa Deegaanka Daryeeli uga soo gudbay dhanka Deegaanka Gudmo Biyo-cas, iyadoo halkaana ay Dadka deegaankaasi ay Wasiirka iyo Weftiisa ku qaabileen dareen farxadi ku dheehan tahay, iyagoo Xog-warran ka siiyey Xaaladda Waxbarashada, Horumarka iyo Duruufaha kale ee ka jira deegaankaasi.

Ugu dambayn, Wasiirka oo Dadweynaha hadal u jeediyey, ayaa ka Mahad-celiyey siday isaga iyo Weftigiisa u soo dhaweeyeen, isagoo sidoo kalena Dadweynaha deegaannada uu marayey u soo jeediyey inay Taageeraan Macalimiinta ka hawl-gala dugsiyada ku yaalla deegaannadooda, maaddaama buu yidhi mar walba aanay ku filayn oo aanay baahidooda dabooli karin Mushaharka ay Xagga Dawladda ka helaan.

Wasiirku wuxuu u ballan-qaaday Dadka ku dhaqan tuulooyinka uu socdaalka ku maray in aanay waxba ka hagran doonin isla-markaana wax kasta oo Waxbarashada lagu horumarinayo la garab taagnaanayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...