Somalia: Madaxweynaha Puntland oo Gaaray Dalka Finland

Date:

Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafti uu hoggaaminayo oo maalmahan booqasho ku maray Wadamada Scandenevianka ee Qaarada Yurub ayaa gaaray caasimadda wadanka finland ee Helisink

Madaxweynaha iyo waftigiisa waxaa soo dhaweeyay Jaaliyadda reer Puntland ee wadanka Findland ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan PEDAN, waxaana loo gudbiyay Dhismaha martida maamuuska gaarka ah leh ee booqashada ku yimaad dalka Finland

“PEDAN oo ah bud dhigaha imaansha madaxwaynaha waxaanu soo dhawayn leh qiimo sare oo aan loo kala harin jaaliyada dagan Finland,Aqoon yahano,culimadii diinta,dhalinyaro leh wiilal iyo gabdho,rag iyo dumar  aanu ku soo dhaweeynay  caleemo qoyan oo lagu  soo  dhawayeeyay  Madaxwaynaha Dr Abdiwali Gaas” ayaa lagu yiri warsaxafadeed ay ka soo saaray booqashada Madaxweynaha

Jaaliyadu waxay sheegtay in madaxwaynuhu uu u yimid dalkan arrimo shaqo oo ku saabsan xiriirka Puntland iyo Finland , waxa uu sidoo kale la hadli doono jaaliyadda Soomaaliyeed ee Puntland ee degan dalkaasi.

Gabagabadii, Madaxweynaha iyo waftigiisa waxay safar ku soo mareen Wadamada ingiriiska, Norway iyo dalka Sweden halkaasi oo ay kula kulmeen Jaaliyaddaha Reer Puntland ee ku nool wadamadaasi oo uu uga warbixiyay xaaladda dadka iyo dalku ku sugan yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...