Somaliland: Siyaasi Cali-Guray Oo Ka Hadlay Guusha Madaxweynaha Dalka Iiraan Ka Gaadhay Doorashadda Dalkaasi Iyo Dunidda Ka Bedeli Karto

Date:

Doorashadii Madaxtooyada dalka Iraan waxa ku guulaystay Madaxwayne Rouhani oo ah hogaamiyaha isbedelka waxanu kaga adkaaday musharixii muxaafidka mayalka adag Garsoore Ebrahimi Raisi ee ka soo horjeeda isbedelka ay taageersan yihiin ilaa hadda inta badan dadka Iraan siday ay muujisay natiijadu. Lakiin weli awoodda xukunka ee Garsoorka iyo Amniga waxa gacanta ku haya muxaafidka mayalka adag ee isbedel-diidka ah.
Musharaxa laga badiyay Garsoore Ebrahimi Raisi ayaa ahaa musharaxa uu la jiray wadaadka awooda ugu saraysa iyo go’aanka kama dambaysta ah leh Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran.
Wakhtigii ololaha Madaxwayne Rouhani wuxu si ba’an oo aan ka gabsho lahayn u weerarayay muxaafidka mayalka adag iyo musharaxooda waxanu xilyada banaabaxyada toos u naqdiyi jiray heerka xuquuqal aadamiga ee dawladda isaga oo yidhi ” kuwa carabyada jaraya afafkana tolaya”. Dood uu todobaadkii hore la galay wuxu ku eedeeyay Raisi in muraadkiisu yahay ” in si qaldan uu diinta ugu adeegsado awooda”.

Rouhani wuxu si wax ku ool ah uga badiyay musharaxii uu la jiray Ayaatullah Cali Khumayni, Garsooraha mayalka adag Ebrahimi Raisi. Lakiin hadana hogaamiyaha Awoodda ugu saraysa ayaa leh go’aamada kama dambaysta ah ee siyaasadda awoodaha xukunka ee Garsoorka iyo Amnigaba waxa gacanta ku haya muxaafidkiisa mayalka adag.

Sidaa daraadeed Rouhani waa inu ku xisaabtamaa la dhaqankooda haddii kale wuxu ku dambayn sidii Madaxwaynihii hore ee isbedel doonka ahaa Maxamed Khatimi ee ku fashilay labadii muddo xileed uu kursiga ku fadhiyay
Madaxwayne Rouhani markii uu isku hubsaday guusha wuxu balan qaaday in Iraan uu dunida u furi doono dadkeeduna ay ku naaloon doonaan xoriyadda ay mudan yihiin inay helaan isaga oo dhinaca kalena ka feejigaysanaya ridal ficilka Muxaafidka mayalka adag

Caligurey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...