Gudoomiyaha ahna murrashaxa madaxwayne ee xisbigga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “Cirro” iyo hogaamiyaha xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa safar aan hore loo shaacin oo ay ku tageen dalka Imaaraadka Carabta waxay kulamo la qaateen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka dalka Imaaraadka Carabta iyo gudoomiyaha shirkada wayn ee Bin Ham group of Companies.
Waxaana ujeedada safarkan ay gudoomiye Cirro iyo Hogaamiye Xirsi ay ku tageen dalka Imaaraadka Carabta uu daaran yahay marti qaad rasmi ah oo ay ka heleen Sheikh Musallam Bin Ham Al Amri oo ka tirsan barlamaanka dalka Isutaga Imaaraadka Carabta ahna gudoomiyaha shirkadda weyn ee Bin Ham group of Companies.
Waxaana kulan dhex maray masuuliyiinta iyo gudoomiyaha shirkadaasi,xubno Baarlamaanka Imaaraad Carabta ka tirsan iyo hogaanka WADDANI ay masuuliyiinta xisbiga WADDANI ee Cabdiraxmaan Cirro iyo Xirsi Cali Xasan ay masuuliyiintan uga warbixiyeen xaaladda uu dalku marayo,abaaraha ka jira Somaliland,horumarka ganacsi ee dalku ku talaabsaday iyo xidhiidhka wada shaqayneed ee ka dhaxeeya Somaliland iyo Imaaraadka Carabta.
Intaasi kadib kulankan oo naloo sheegay inuu saacado badan qaatay ayaa waxa uu kusoo dhamaaday guul iyo isafgarad.