Madaxweynaha dalka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa saaka u ambabaxay magaalada Riyadh ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, halkaasoo uu uga qeyb galayo shirka Madaxda wadamada Islaamka iyo Madaxweynaha Mareykanka.
Madaxweyne Farmaajo oo lagu waday in shalay oo sabti ah uu u ambabaxo Sacuudiga ayaa ka baaqday, kaddib markii diyaaradii qaadi laheyd ay soo raagtay.
Inta badan Madaxda wadamada Islaamka ayaa gaadhay magaalada Riyadh, iyadoo shalay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trumo uu ka degay magaaladaas, halkaasoo uu si weyn ugu soo dhoweeyay boqorka Sacuudiga.
Ku dhowaad 50 hoggaamiye oo wadamada Islaamka ayaa Shir Madaxeedka ka qeybgali doona oo ah mid ka duwan shirarkii hore loogu yiqiinnay qaban-qaabintooda Ururada Iskaashiga Islaamka iyo Jaamacadda Carabta.
Shirkan oo diiradda lagu saarri doonno la dagaalanka argagaxisada ayaa waxaa barbar socon doona kulamo gaar gaar ah oo Madaxweynaha Mareykanka la yeelan doono Boqorka Sacuudiga, Boqorrada iyo Madaxda Wadamada Gacanka Carbeed, Soomaaliya, Djibouti iyo kuwa kale.