Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Khudbaddii Jimcaha ee Maanta kaga hadlay Qaadhaan-ururinta Xukuumadda Somaliland bilowday inay u ururiso Dadka reer Somaliland ee Abaartu ka qaadday Xoolahoodii.
Sheekhu wuxuu sheegay inuu soo dhaweynayo Go’aanka uu Madaxweynuhu ku qaatay in Xuskii 18-ka May ee Sannadkan loo beddelo Qaadhaan-ururin loo sameeyo Dadka Abaaruhu dhibaateeyeen, isla-markaana Lacagta la ururiyo loogu iibiyo Xoolo iyo Waxyaabo oo ay kaga soo kabtaan Dhibaatadii Abaartu gaadhsiisay.
Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Markaynu doonayno inaynu daweyno Arrimaha ay ka mid yihiin Dadkeennii Hantidoodii ka baxday ee Bannaanka yaalla (Abaarta awgeed), qaabka aynu u daweynaynaa ma mid ay Curinayaan baa Koox la garanayo waxay tahay mise waa mid aynu uga soo dheegayno Sunnaha Rasuulka (CSW)..” ?.