Somaliland: Hor imaad Xalay Dhex maray Ciidamada Booliska Gobolka Sool Iyo Shacabka Magaalada Laascaanood+Xaaladda Laascaanood Iyo Koonfurta Gobolka Sool Oo Kacsan Iyo Xukuumadda Oo Xabsiga Dhigtay Odayaal Iyo Madax-dhaqameed Tiro Badan

Date:

Wararkka naga soo gaadhaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa waxay sheegayaan in xalay ilaa xilli danbe ay israsaasayni ku dhex maraysay magaalada Laascaanood ciidamada Booliska gobolka Soo loo kaashanaya ciidamada Qaranka Somaliland iyo dad shacab ah oo is urursaday oo hubaysan.

Waxaana israsaasayntani dhex martay ciidamada iyo shacabkani ay ka dhalatay sida ay Ramaasnews u xaqiijiyeen dad goob joog ahaa oo ku sugan magaalada Laascaanood kadib markii ay ciidamada Booliska gobolka Sool oo kaashanaya ciidamada Qaranku ay xabsiga ku gureen odayaal iyo madax-dhaqameed tiro badan ooo qaarkood loogu tuhunsan yahay inay wadaan qorshe ay mar kale ku istaadhayaan colaad sokeeye oo mar kale dhex marta beelaha walaalaha ah ee wada dega deegaanka Koonfurta gobolka Sool iyo qaar kale oo iyagana loo xidhay xaaladd Amni oo looga cabsooday in la khaarajiyo.

Waxaana ay shacabkani rasaas kala hor tageen ciidamada iyaga oo ciidamaduna ay is difaaceen,waxaana halkaasi ka dhalatay israsaasayn dhex martay ciidamada iyo shacabkan gadoodsan.

Dhawaqa rasaasta ayaa xoguhu  noo sheegeen in la maqlayey ilaa xalay 12 kii iyada oo rasaastana laga maqlayey xaafadda Koonfurta magaalada Laascaanood.

Ilaa hadda lama garanayo khasaaraha ka dhashay israsaasayntaasi xalay bilaabmatay ee dhex martay ciidamada iyo shacabka hubaysan.

Xogaha ayaa sidoo kale waxa ay intaasi ku darayaan in ay aad u kacsan tahay xaaladda magaalada Laascaanood iyo deegaanada Koonfurta gobolka Sool,waxaana ay ciidamadu gabi ahaanba la wareegeen xaaladda amni ee deegaanadaasi iyaga oo sidoo kalena ciidamadu gaaf wareegaya gudaha magaalada Laascaanood.

Ciidamadan ayaa sidoo kale waxa naloo xaqiijiyey in ay xalay ilaa saaka ay xabsiga dhigeen madax-dhaqamed iyo qaar kamid ah shacabkii xalay soo weeraray ciidamada.

Ilaa hadda lama garanayo halka ay saldhigan doonto xiisadan mar kale ka istaadhantay magaalada Laascaanood iyo deegaanada Koonfurta gobolka Sool,waxaana laga cabsi qabaa in mar kale ay colaad khasaare sababtaa ay ka qaraxdo deegaanada Koonfurta gobolka Soo loo labada Beelood ee wada dega hadda lagu guda jiro sidii nabad waarta loo dhex dhigi lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...