Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo ayaa waxaa uu ka hadley cunaqabteynta hubka ee laga qaadaayo dalka Somaliya .
Madaxweyne Siilanyo uu khudbad dhinacyo badan taabaneysa u jeediyey shacbiga Reer Somaliland munaasibada 18 May Awgeed , waxaa uu ka digay cawaaqib xumo ka dhalan karta in cunaqabteynta hubka laga qaado dalka Somaliya
Sidoo kale waxaa uu Madaxweyne Siilanyo sheegay in hadii Somaliya laga qaado cunaqabateynta hubka ee Saaran isla markaana beesha caalamku hubeyso in ay arintaasi mandaqada geeska Africa ka abuuri dooto qas iyo xasilooni daro waxaana uu yidhi
” Maanta umada Soomaliyeed waa ay kala tagtay , waana ay kala tashatey , ma ajirto dal iyo dawlad ka dhaxeysa oo ay wadaagaan , hadaba hadii qeyb ka mid ah laga qaado cunaqabteynta hubka waa hubaal in talaabadaasi u hor seedi doonto mandaqada geeska Africa xasilooni daro iyo xiisado colaadeed .
Waxaan si weyn uga digayaa in qoomiyada Soomaliyeed la dhex dhigo utun iyo arame sabab u noqon karta cawaaqib xumo aan laga so kaban , waxaana aan ugu baaqayaa dalka aanu dariska nahay ee Somaliya in aanu ku wada noolaano nabad iyo niyad sami , waxaana aan leeyahay wakhti ha iskaga luminina riyo iyo dhalanteed aan run aheyn ,waxaanan mar labaad ku celinayaa dadka iyo dalka aan odeyga u ahay way tashadeen ee duco qabayaal idinkuna isku tashada , hadii ay Somali wada noolan kari weyday waxaa caqliga fayowbi ina farayaa in aynu iskeen u kala noolaano ” ayuu yidhi madaxweyne Siilanyo