Somaliland: Ciidanka Asluubta Oo Deeq Lacag Ah Ku Wareejiyey Guddomiyaha Guddida Taakulaynta Abaaraha

Date:

Madaxwayne ku-xigeenka JSL Ahna Guddomiyaha Guddida Taakulaynta Abaaraha Oo Lacag dhan Todobaatan Milyan Ah Ka Guddomay Ciidanka Asluubta Somaliland.

Madaxwayne kuxigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna Guddoomiyaha guddida taakulaynta abaaraha, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland sareeye guuto Maxamed Cismaan Xudhuun ka guddomay qadar lacageed oo dhan 70,825 Milyan SLSH (Todobaatan milyan iyo sideed boqol iyo shan iyo labaatan kun oo shilinka Somaliland ah) lacagtaasi oo ay iska soo ururiyeen dhamaan ciidanka Asluubta ee somaliland iyagoo ugu tallo galay inay kaga qayb qaataan gurmadka dadka ay abaarahu saameeyeen.

Kulankaasi oo ay kasoo qayb galeen xubno sare oo ka socday guddida heer qaran ee taakulaynta abaaraha iyo saraakiisha Ciidanka Asluubta ayaa waxa halkaasi ka hadlay Taliyaha guud ee Ciidanka Asluubta Sareeye guuto Maxamed Cismaan Xudhuun waxaanu yidhi “Madaxweyne ku-xigeen waxaan halkan kugu wareejinayaa qadar lacageed oo dhan 70,825 Milyan SLSH oo ay iska soo ururiyeen ciidanka Asluubta Somaliland, mushaharaadkoodana ka jareen si ay uga qayb qaataan u gurmashada walaalahooda ay abaaruhu saameeyeen”.

Madaxwayneku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo isna halkaasi kalmad mahadnaqa ka jeediyay ayaa yidhi “Aad baan ugu mahad celinayaa Ciidanka Asluubta Somaliland oo si naxariisi ku dheehan tahay isaga soo ururiyay lacagtan,marka loo eego dadkeenii abaaruhu saameeyeen waa wax weyn lacagtani, inagoo ogsoon lacagta ay qaataan ciidankeenu hadana waxaan aad ugu faraxsanahay in aan arko iyagoo gurmanaya”. ayuu yidhi Madaxwayne Ku-xigeenka JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...