Khilaafka Oo Maraaxiil Kala Duwan Soo Maray Ayaa Iminka U Muuqda Inuu Soo Shaac Baxay
Khilaaf xoogan oo cirka isku shareeyay oo u dhaxeeya Wasiirrada Maaliyadda Zamzam Cabdi Aadan iyo Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa gaadhay halkii ugu saraysay.
Khilaafkan oo oo muddooyinkii dambe hadal hayntiisu badnayd ayaa hadda u muuqda inuu dibadda u soo baxayo, islamarkaana ay labada dhinac isku adeegsanayaan awoodo dheeraad ah
Sida ay ilo lagu kalsoon yahay oo waliba goob-joog ahaa ay u xaqiijiyeen wargayska Somalilandtoday khilaafka ayaa sababay inuu Maxamuud Xaashi soo saaro amar uu ku wargeliyey askarta ilaalada Madaxtooyada inaan habeenkii la kori karin xagga sare ee Madaxtooyada, kadib markii amarkaasi soo baxay ayaa sida la sheegay waxaa xarunta Madaxtooyada soo gaadhay wasiirka maaliyadda Sam Sam Cabdi Aadan oo doonaysay inay xagga sare ee Madaxtooyada u gudubto, hase yeeshee askartii ilaalada ahayd ayaa sheegtay inaan xagga sare habeenkii la ogolayn, waxaana ay Sam Sam Cabdi Aadan noqotay masuulii ugu horeeyey ee amarkaas Maxamuud Xaashi ku fulo, sida la xaqiijiyey iyadoo uu muranka askarta iyo wasiirku socdo ayay xubno madax-dhaqameed ahi ka soo daadageen xagga sare ee Madaxtooyada, kadib markii ay dhagaysteen hadalka labada dhinac ayay askarta u sheegeen inay ixtiraam muujiyaan oo ay wasiirka waa Sam sam Cabdi Aadan e ay sii daayaan, hase yeeshee wararka ayaa sheegaya in askartu ay ku jawaabeen in labada madax-dhaqameed ay magacyadooda hayeen balse aanay haysan amarka lagu sii daynayo Sam Sam Cabdi Aadan, taasoo keentay in wasiiraddu ay iyado cadhaysan iskaga soo huleesho Madaxtooyada.
Geesta kale shir jaraa’id oo ay qabatay wasiirka maaliyaddu maalinimadii Isniintii ayaa si wayn looga dheehan karay khilaafka labada dhinac, maadaama ay labada wasiir ku wada jireen guddiga sicir bararka, hase yeeshee wasiirka maaliyaddu ay kaligeed shirka jaraa’id qabatay waliba iyadoo si wayn ugu duurxushay Maxamuud Xaashi Cabdi, kadib markii ay hadalkeeda ku sheegtay in aan go’aanadii ee hore ee sicir bararka laga soo saaaray aan laga baaraandegin hase yeeshee ay iminka xukuumaddu keenayso xal wax ku ool ah.
Isku soo wada xooriyoo arrimahaas iyo kuwa kale oo illaa haatan qarsoon ayaa muujinaya in khilaafka labada wasiir oo maraaxil kala duwan soo maray uu iminka meel halis ah marayo isla markaana dhawaan bur iyo biyo loo kala bixi doono.