Somaliland: Ma Cad Itoobiyana Ka Yimi Aan Soo Gaadhin Baa Jira? Cali Guray Galay Xukuumadda

Date:

Mujaahid Cali Yuusuf Cali Guray Oo Si  Yaro Sarbaaban Uga Hadlay Xukuumadda Somaliland Somaliland Ee Dekedda Itoobiayah

MA CAD ITOOBIYANA KA YIMI SOMALILANDNA AAN SOO GAADHIN BAA JIRA?

Miskiin Afhayeenka Madaxtooyada iyo ciddii hadal tidhiba waxay isku qireen jahliga haysta. Malaha ma ogaba afka uu ku hadlayay ee hadda warka Dr. Sacad beeniyay inu ahaa kii Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland. Runtii waa ayaan darro sideeda u taal iyo tabaalaha aduun taynu aragnaa.
Anigu uur-ku-baale ma ahayn wararkii is wada burinayay waxaan ahayna maan haynin lakiin waxan hubay in DP World ay mar kasta yeelanaysay codka tirada badan marka ay tahay saami qaybsiga. Miyaanay sidii noqon oon Dr Sacad warkii Afhayeenka Madaxtooyadana beenin kaygii qiyaasta caqliga uun ahaana u marag furin. Caalamka marka masuul xil qaran hayaa been sheego ey ku cadaato inu been sheegay markaas ayuu halkaa isku casilaa lakiin inta badan waa kuwa aan muslinka ahayn lakiin waa nasiib darro in Madaxda muslinka ee og in Ilaahay ugu neceb yahay beenaalahu ay hadana beenaalayaal noqdaan. Runta inta runta necebi haday kugu nacdo Ilaahay ayaa kugu jeclaan. Jacaylka beenaalaha beenta jecel iyo Allah khaaliqa ah qofba kuu jecel yahay ayuu jacaylkiisa doortaa. Alxamdulillah Ilaahow adiga ayaan kaa magan galay been iyo in aan noqdo beenaalaha aad ugu neceb tahay inta aad abuurtay oo dhan.
Sua’aasha aniga weli iga dhiman eenan haynin jawaabteedu waxay tahay 35% saamigii hore ahaa wuxu ku qiimaysnaa dekeddeenu hadda sida ay tahay. Hadii Itoobiya ay maalgashigeedu noqonayo 19% Somaliland waxay u celisay 5% ku jira saamigeeda? Lakiin ilaa hadda lama sheegin halka ay martay? 4200 000 inta ay 5% ka noqonaysaa lacag yar maaha ee ma cad Itoobiyana ka yimi Somalilandna aan soo gaadhin baa jira?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...