Somalia: Madaxweyne Farmaajo oo faah faahin ka bixiyay wax yaabihii u qabsoomay dowladdiisa muddadii saddexda bilood

Date:

Madaxweynaha DF Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo xalay khudbad ka jeediyay munaasabad ka dhacday Aqalka dowladda Hoose oo lagu xusayay 15-ka May, 74-guuradii ka soo wareegatay aas aaskii ururka SYL ayaa ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay dowladdiisa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in saddexdii bilood ee talada dalka hayay ay qabteen inay soo celiyaan karaamadii umadda Soomaaliyeed uu adduunka ku lahaa.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay inay ku guuleysteen inay bixiyaan mushaarka shaqaalaha dowladda iyo Ciidamada.

“Saddexda bilood ee aan joogno waxaan qabannay, inaan bixinay mushaaraadka ciidammada iyo shaqaalaha Rayidka ee dowladda, waxaan bilowney inaan soo celinay Karaamadii ummaddeenna oo dalalka adduunka dhan ay noo muujiyeen in ay diyaar u yihiin u istaagidda wax wada qabsi buuxa”ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdan ay tahay dowlad shacab, isagoo ugu baaqay shacabka inay ka qeyb qaataan ololaha dalkaaga waxu qabso, isagoo soo jeediyay in bishii labo saac kaliya arrintan laga shaqeeyo, waxaana uu tilmaamay inuu isaga bilaabayo.

Farmaajo ayaa ka hadlay dhibaatada ay leedahay qabyaalada, isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay siyaasiyiin doonaya inay qabyaalad dadka ugu owr-kacsadaan.

“Fadhiga ha laga kaco, dowladda diyaar ayeey u tahay in ay awood siiso dhallnyarada Soomaaliyeed,  dowladda iyo shacabka ma doonayo in  dhexdeena la gelo, si midnimadeena muuqata aan u xoojinn idinkana sii wada taageerada dowladdiina aad u heysaan, caasimadda Soomaaliya  afarta sanno gudaheed waxaa naga go’an inaa ka soo saarno magaalada Africa uu quruxda badan uguna nadaafadda badan, sidoo kalena aan ka shaqeynno hirgelinta adeegyadiii bulshada, shacabka Soomaaliyeed xoogga haa saaraan sidii aan uga guuleysan lahayn kooxahaan nabadda diiddaan, dhawaanna dalka oo dhan ayaaan ka saareynaa” ayuu yiri madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka in ay bixiyaan canshuurta, waxaana uu tilmaamay magaca canshuurta la bedeli doono oo loo bixin doono Qaaraan Qaran, haddii Baarlamaanka ogololaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...