Warar aan helayno kana helayno ilo lagu kalsoon yahay ayaa waxay sheegayaan in gudaha Magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland uu maalmahii u danbeeyeyba ku sugnaa mid kamid ah murrashaxiintii tartanka u galay doorashadii jagada madaxwaynaha Somaliya ee qabsoontay 8-dii.Febarwari.2017 isla markaana uu kusoo baxay madaxwaynaha Somaliya mudane Farmaajo.
Waxaana xoguhu noo sheegeen in murrashaxan kasoo qayb galay doorashadii Somaliya ee hadda Hargeysa ku sugani uu yahay Bashiir Raage Shiiraar oo isagu tartanka usoo galay doorashada Somaliya,kaas oo la sheegay in uu saddexdii maalmood ee u danbeeyey uu ku sugnaa magaalada Hargeysa ee caasimada dalka Somaliland.
Waxaana xoguhu noo xaqiijiyeen in uu Bashiir Raage Shiiraar uu kulamo la qaatay inta uu joogay Somaliland madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” iyo gudoomiyaha ahna murrashaxa madaxwayne ee xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe.
Si cad looma oga waxyaalaha uu daaran yahay socdaalka uu ku yimi Hargeysa Bashiir Raage Shiiraar oo usoo tartamaya jagada Madaxwaynaha Somaliya iyo waliba nuxurka qodobada ay ka wada hadleen madaxwayne Siilaanyo iyo gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo ay kulmeen.
Safarkan uu Bashiir ku yimi Hargeysa ayaa ah kii ugu horeeyey ee uu ku yimaado Somaliland,waxaana xogo aan helaynaa ay sheegayaan in Hargeysa uu u yimid sidii uu goobo ganacsi uga furan lahaa caasimada Somaliland ee Hargeysa iyo in uu madaxwayne Siilaanyo kala hadlo arrimo khuseeya qaddiyada iyo madaxbanaanida Somaliland,waxaana safarkan uu ku yimi Hargeysa ay tuhun badan galisay shacabka reer Somaliland kuwaas oo siyaabo kala duwan ugu falanqaynayey baraha ay bulshadu ku kulmaan.
Baashiir Raage Shiiraar oo ah murrashax kasoo tartamay Somaliya Ayaan ahayn kii kowaad ee yimaada Hargeysa,xogaha ayaa sidoo kale waxay noo sheegayaan in todobaad ka hor uu isna caasimada Somaliland ee Hargeysa uu yimi murrashax kale oo isna kasoo tartamay Somaliya doorashadii dhawayd ee lagu doortay madaxwayne Faarmaajo kaas oo la yidhaahdo Axmed Maxamed Cabdi “Maaldiini” oo sida la sheegay dhalasho ahaan kasoo jeeda Somaliland balse haysta dhalashada Imaaraadka,waxaana xogahani ay noo tibaaxeen in uu Hargeysa u yimi arrimo la xidhiidha Saldhiga Milateri ee Berbera laga siiyey Imaaraadka Carabta.
Gabagabadiina xukuumadda Somaliland Ayaan ilaa hadda ka hadal sababta rasmiga ah ee labada nin ee xilalka ugu sareeya Somaliya isku sharaxay ay Somaliland u yimaadeen isla markaana loo qaban waayey madaama ay Somaliland mamnuucday in madaxda Somaliya ay Somaliland soo galaan,iyada oo Xukuumadda Somaliland dhawaan xidhay Suxufi Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon oo ay xeer ilaalintu ku eedaysay inuu Xamar tagay,ilaa hadda xukuumadda Somaliland warcad kamay soo saarin ujeedada safarka ay labadan nin ee Bashiir Raage Shiiraar iyo Axmed Maxamed Cabdi “maaldiini” ay u yimaadeen Somaliland.
Halkan hoose ka daawo muuuqaalka nuxurka Khudbad uu ka jeediyey Baarlamaanka Somaliya oo uu ku shaacinayey waxyaalaha u qorshaysan inuu ka qabto Somaliya.