Warar xog ogaal ah oo aan helayno isla markaana aan ka helayno ilo wareedyo u dhuun daloola madaxtooyada ayaa waxay sheegayaan in madaxtooyada Somaliland ay waraaq dhambaal ah oo xog culus xambaarsan ay u dirtay dawlada Itoobiya.
Waxaana xoguhu noo tibaaxeen in kulan ay qasriga madaxtooyada Somaliland iskugu yimaadeen guddigii uu madaxwaynaha Somaliland u magacaabay guddiga Ictiraaf Raadinta Somaliland oo ay xubno ka yihiin wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Sacad Cali Shire,Dr’s Adan Aadan Ismaaciil,Gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe iyo xubno kale si wayn loogaga hadlay oo lagu falanqeeyey dhawaaqii kasoo baxay dawlada Ingiriiska iyo Itoobiya ee ay ku codsadeen in cunaqabataynta dhanka hubka ah laga qaado Somaliya taas oo ay sheegeen inay dhabar jab wayn ku tahay dawlada Somaliland.
Kulankan ay qasriga madaxtooyada ku sheegeen guddigan ayaa naloo sheegay inuu xaadir ka ahaa madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” iyo wasiirka madaxtooyadu,waxaana rog-rogitaan badan oo arrinkan ku saabsan kadib laga soo saaray qodobo dhawr ah oo ku saabsan dhibaatooyinka uu Somaliland usoo jeedi karo hadii cunaqabatayna dhanka Hubka ah laga qaado Somaliya,waxaana la isla afgartay in waraaq cabasho ah loo direy dawlada Itoobiya oo ku saabsan arrinkan Somaliya ka taagan.
Intaasi kadib ayaa xoguhu noo sheegeen in madaxtooyada Somaliland ay waraaq cabasho ah oo ku saaban xayiraada dhanka hubka ah ee laga qaadayo Somaliya u dirtey dawlada Itobiya iyada oo loo sii mariyey safaaradda dawlada Itoobiya ku leedahay magaalada Hargeysa.
Gabagabadiina hadii Somaliya laga qaado cunaqabataynta dhanka Hubka ah ee saaran ayaa waxay saamayn xoogan ku yeelanaysaa qaranimada Somaliland iyada oo sida la qabo ay sababi karto khataro badan oo Somaliland soo waajaha.