Somaliland: Muxu Ka Yidhi Guddoomiye Cirro Oo Is-casilaadi Xildhibaan Rayte

Date:

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro ayaa ka hadlay Xildhibaan Rayte Oo Ka tirsanaa masuuliyiinta sarsare ee xisbiga waddani oo shaaciyay inuu xisbiga iska casilay.

Guddoomiy Ciro ayaa sheegay in ay tahay arin iska caadiya in masuuliyiintu iska casilaan xisbiyadda,waxaana uu sheegay inuu markale soo dhawaynayo xildhibaan ibraahim hadii uu ku soo biirayo xisbiga waddani.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro oo u waramayay Horn Cable Ayaa ka hadlay inuu xildhibaan Rayte Xisbiga Uga Tagay Khilaaaf u dhexeeyay hogaamiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan Waxaana Uu yidhi. “Xildhibaan Ibraahim runtii waa nin qiimo leh oo reer somaliland ah oonu baarlamaankana kuwadda jirnay

muddo ka badan toban sanadood xisbigana kuwadda jirnay muddo hadda nin aqoon yahan ah oo fikradiisa u madax banaan weeyaan xildhibaan rayte,markii hore ikhtiyaarkiisa ayuu u yimid imikana Xor ayuu u yahay fikirkiisa inuu waddani ka baxo oo xisbigu doono Galo iyo inaanu xisbiba galin,macaa hadii uu kan ku soo noqonayo diyaar ayaanu u nahay marlabaad.

Intaas waxa uu ku daray isaga oo hadalkiisa siiwata guddoomiyaha waddani waxaana uu yidhi.”Xirsi siyaasiyiinta Somaliland ayuunbuu ka mid yahay,xisbiga waddanina nin reer Somaliland ah oo uu ka mamnuuc yahay majiro markaas waxa ay ila tahay xildhibaan ibraahina dadkii soo dhaweeyay xirsi ayuu ka mid ahaa oo madashii waynayd ka sheegay in ay isa saamaxeen,hadana waxaad mararka kale qaarkood moodayseen inuu iska jiro saluug kale,cidii doono ha noqdee ama bariga burco ama galbeedka burco ee xisbigu cid kasta wuu u furan yahay.

Dhinaca kale Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro waxa uu ka hadlay kulankii uu madaxwaynaha Somaliland kala yeeshay cabashadii ay u gudbiyeen ee khusaysay in ay Xidhan yihii Masuuliyiin ka tirsan xisbiga waddani in qaar kale haddana lasii xidhay waxaana uu yidhi.

“inuu tacadigu sii socdo may ahayn inuu istaago ayay ahayd,xadhiga masuuliyiinta waanu kala hadalnay madaxwaynaha qaar ka danbeeyayna waa la xidhay,waxa hadda xidhan guddoomiyihii degmada mandheera oo ku xidhan saaxil,waxa la xidhay maalintii dhawayd ee uu madaxwaynahu marayay masuuliyiin sodoneeyo ka badan lakiin waa lasii daayay markii danbe,guddoomiyihii mandheera wali waa xidhan yahay masuuliyiintii ka sii horaysay waa xidhan yihiin,markaas xidhigaas waxaanu u aragnaa mid aan sharci ahayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...