Xukuumada Somaliland ayaa waxaa ay saaka si lama filaan ah ugu dhawaaqdey in saami laga siiyey dekeda magaalada Berbera oo maanta si rasmi ah loogu wareejin doono shirkada Dp World .
Wasiirka wasaarada Ganacsiga Somaliland Dr Cumar Shuceyb oo saaka u waramey Idaacada BBC-da ayaa waxaa uu shaaciyey in xukuumada Somaliland ay Saami ka siisay dawlada Itoobiya Dekada Magaalada Berbera si ay u isticmaalaan
Saamigan ayaa waxaa uu wasiirku ku sheegay in ay tahay 19% ( Boqolkiiba Sagaal iyo Toban ) waxaana shaacintani ay ku soo beegmaysaa xili ay maanta xukuumada Somaliland ay dekada Magaalada Berbera maamulkeeda si rasmi ah ugu wareejineyso shirkada Dp World