Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, ayaa Xukuumadda Somaliland ku eedeeyey inaanay diyaar u ahayn inay dalka ka qabato doorasho, taasi oo ay sabab uga dhigayaan in aanay ilaa hadda bixin lacagtii lagu qaban lahaa doorashada Madaxtooyada Somaliland ee la filayo inay dalka ka qabsoonto dhammaadka sanadkan 2017.
Sidaana waxa shalay sheegay Xoghayaha guud ee Xisbiga Waddani Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde, oo hadal ka jeediyay furitaanka xafiiska Xisbiga Waddani ee degmada 26-ka Juun ee magaalada Hargeysa.
Uur-cadde oo ugu horreyn ka hadlaya sida uu u arko khudbadihii doraad masuuliyiin xukuumadda ka tirsani ka jeediyeen kulan Guddiga Doorashooyinka Qaranku kula wareegayeen jeeg lacageed oo dhammaa hal milyan iyo laba boqol oo kun oo dollar, waxaanu yidhi “Xukuumadda ayaan ka maqlayey iyaga oo leh diyaar baanu u nahay in aanu doorashada Madaxtooyada qabano, horta doorashada Madaxtooyada inay qabtaan lama baryayo oo waad ku qasban tihiin, wax laydin beryayo oo idinka idinku xidhan haddii ay tahay iska haysta oo ha qabanina, waayo shacbiga ayaa leh oo waad ku qasban tihiin oo waa wax ummaddu in badan idiinku dul qaadatay, indhaha idiinka qarsatay oo waqti aydaan xaq u lahayna aad dalka ku xukuntaan”,
Uur-cadde waxa kale oo uu ka hadlay Waqtiga Doorashada “Xagga ballan-qaadka ee aad tidhaahdeen waqtigeedii ayey dhacaysaa doorashada Madaxtooyadu, dhegaha ummadda Somaliland ma maqlayaan hadal aad tidhaahdaan oo in badan baad tidhaahdeen waqtigeedii baanu ku qabanaynaa oo rag iyo dumarba waad iska daba marteen, toddoba sano ayeynu maraynaa ee bal dib u xisaabtama, ummadda maalin walba wixii aad beenta ugu sheegteen inaad ku celcelisaan ceeb ayey idinku tahay, ummaddana cay ayey ku tahay, anagu (WADDANI) idiinkama baahnin ballan-qaad ee waxaanu u baahanahay wax cad oo la na tuso”.
Dhinaca kalena, Xoghayaha guud ee Xisbiga Waddani waxa uu ka hadlay Jeeggii lacageed ee Xukuumaddu doraad ku wareejisay Guddiga Doorashooyinka Qaranka “Ummadda yaan la qaldin, lacagtaa la shubayaa waa lacagtii diwaangalinta ee aad ogeydeen muddada dheer ee ay socotay oo ay xalay (Shalay) intii ugu danbaysay shubeen”.
Uur-cadde waxa kale oo uu wallaac ka muujiyey lacagta lagu qabanayo doorashada Madaxtooyada ee ay hore u ballanqaaday Xukuumaddu “Lacagtii doorashooyinka ilaa hadda diyaar uma aha Xukuumaddu oo waxaanu leenahay ha shubto, haddii ay doorasho diyaar u tahay”. Ayuu yidhi Xoghayaha guud ee Xisbiga Waddani Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde
Dhinaca kale, Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka Qaranka Somaliland Md Siciid Cali Muuse oo Wargeyska Himilo khadka taleefanka kula xidhiidhay ayuu weydiiyey in lacagta Halka Milyan iyo labada Boqol ee kun ee dollar ee doraad Xukuumaddu ku wareejisay waxay ahayd ama hawsha lagu qabanayo, waxaanu si kooban ugu jawaabay “Lacagta la nagu Wareejiyey waxay ka dhinnayd Lacagtii qaybinta Kaadhadhka Cod-bixinta”, intaasi kadibna waxa uu Wargeyska Himilo weydiiyey illaa hadda inay ka hayaan Xukuumadda lacagtii lagu qabanayey doorashada “Lacagtii Doorashada waanu ka sugeynaa Xukuumadda”.
Ugu dambayntii, Wasiirka wasaaradda Maaliyadda oo aanu isku daynay inaanu wax ka weydiino qorshaha Xukuumaddu ka leedahay inay ku bixiso lacagta lagu qabanayo doorashada ayaanay noo suurto galin inaanu khadka telefoonka ku hello.