Somaliland: Xiisad Adag Oo Ka Taagan Wakaaladda Biyaha Berbera + Khilaaf Cirka Isku Shareeray Oo Ka Dhex Qarxay Golaha Deegaanka Berbera

Date:

Xiisad Adag Oo Ka  Taagan Wakaaladda Biyaha Berbera + Khilaaf Cirka Isku Shareeray Oo Ka Dhex Qarxay Golaha Deegaanka Berbera Iyo Wasaaradda Biyaha Iyo Madaxwayne Siilaanyo Oo La Filayo Inuu Maanta Tago Berbera

Wararka aan ka helayno magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil ayaa waxay sheegayaan in xiisad siyaasadeed oo adag ay ka taagan tahay wakhti xaadirkan Wakaalada Biyaha Berbera taas oo gacan ku haynteeda ay ku muransan yihiin golaha Deegaanka Berbera oo uu horkacayo maayar Cabdishakuur Cidin iyo wasaaradda Biyaha Somaliland oo kaashanaysa maamulka Gobolka Saaxil.
Waxaana khilaaf adag oo cirka isku shareeray uu ka dhex qaray wasaaradda Biyaha iyo golaha deegaanka Berbera kuwaas oo mid kasteba ku andacoonaya in gacan ku haynta wakaalada Biyaha Berbera ay iyaga hoos timaado.Maayar Cidin iyo golahiisa deegaanka ayaa iyagu ku andacoonaya in gacan ku haynta wakaaladda Biyaha Berbera uu dastuurigu u jideeyey iyaga oo la sheegay in Afartii Bilood ee u danbeeyeyba ay gacanta ku hayeen iskuna raaceen fadhiyo ay yeesheen,halka uu wasiirka cusub ee Wasaaradda Biyaha Somaliland uu isna sheegayo in isaga ay hoos timaado wakaaladu.
Khilaafkan ka dhex qarxay masuuliyiintan ayaa sidoo kale ka dhashay kadib markii uu dhawaan wasiirka wasaaradda Biyaha Somaliland Xuseen Cabdi Boos uu wakaalada Biyaha Berbera usoo magacaabay maareeye Cusub kaas oo ay kasoo horjeesteen golaha deegaanka Berbera,waxaana uu arrinkaasi sababay in maayar Cidin sida la sheegay uu waraaq Cabasho ah usoo gudbiyey golaha wakiilada Somaliland.
Khilaafkan ayaa wali cirka ku shareeran waxaana la sheegay in badhasaabka gobolka Saaxil oo isna la saf ah wasiirka Biyaha uu xafiiskiisa ka saaray xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka Berbera oo u yimi sidii ay ugala hadli lahaayeen arrinkan taagan.
Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” iyo wafti uu hogaaminayo oo ka tirsan golahiisa Xukuumadda ayaa la filayaa inay maanta safar ugu baxaan magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil,waxaana la filayaa in wasiirada xukuumaddu ay arrinkaasi gali doonaan si ay usoo xaliyaan khilaafkan cakiran ee sababay in shaqadii wakaalada Biyaha Berbera hakad gasho iyada oo wakhtigan la galay Xilli kulul.
Gabagabadiina lama garanayo halka uu sal dhigan doono khilaafkani iyo cidda la wareegi doonta gacan ku haynta wakaalada Biyaha Berbera oo muran badan ka taagann yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...