Wasiirka hawlaha guud iyo gaadiidka Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) ayaa qorshaynaya inuu iibiyo mid ka mid ah goobaha ay dawladdu leedahay ee ku yaalla badhtamaha suuq Hargeysa, ahna goob istaraatiiji ah.
Sida uu baahiyey Wargayska madaxa banaan ee Hubaal wasiir Cali Mareexaan ayaa damacsan inuu mudada kala guurka lagu jiro uu kala jaro isla markaana iibiyo xarunta dhallaanka iyo hooyada ee ku taalla badhtamaha suuqa Hargeysa, dhinaca galbeedna kaga soo jeeda sarta dheer ee sherkadda Dahabshiil ama fooqa ina Bootaan.
Wasiir Cali Mareexaan ayaa la sheegay inuu arrinkan kala hadlay wasiirka caafimaadka Saleebaan Ciise Axmed (Xaglatoosiye), oo uu dhulkani hoos yimaado, waxaana ay wararku sheegayaan in labada wasiir ay isla qaateen in dhulkan la iibiyo.
Qiimaha uu wasiirku dhulkan siinayo ayaa lagu sheegay qadar 2 Milyan oo dollar, waxaana ay arrintani ku soo beegmaysaa iyadoo Madaxwaynuhu sheegay inuu talaabo ka qaadi doono cidii lagu helo musuq iyo boobka hantida umadda.